Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Kormeer Balaadhan Ku Sameeyey Dekedii Cusbayd Iyo Tiirarkii Dekeda lagu Dhisaayey oo ka Warbixiyey Imaanshahooda

0
637
Maareeyaha dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilaahi oo ay weheliyaan Injineerada dekeda Berbera dhisaya ayaa maanta kormeer balaadhan ku sameeyey qaybtii cusbayd ee dekeda la dhisaayey, maadaama oo wakhtigani uu halkaa, soo gaadhay beebabkii la soo dhigayey bada hoosteeda ee lagu garaacaayey, kuwaas oo dhawaan kasoo degay dekeda Magaalada Berbera.
Maareeyaha dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sidoo kale tagay kaamka ay degan yihiin hawlwadeenada dekeda Berbera dhisaya.
Ugu horayna maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo sharaxaayaha qalabkan cusub ee, soo gaadhay dekeda Berbera.
“Maanta waxa aynu joognaa qaybtii cusbay ee dekeda cusub ee 400miter la dhigayey, sidaad ku arkayseen markabkii siday qalabkii ugu muhiimsanaa ee dekeda baaliska aad ku aragtaan waa la dajiyey, shaqada intii u muhiimsanayd ee qaybta baddu imikay bilaabmaysaa. Sida noo caado ah bishiiba kormeer ayaanu ku soo marnaa shaqadu siday u socoto, madaxda hawsha fulinaysa ee Injineerada ahina warbixin ayay nooga bixiyaan siday hawshu u socoto. Waxa kale oo isaguna halkan nala jooga injinneerkii dekeda horeba dhisay ee qayb ka ahaa injineer Cabdiraxmaan oo isaguna hadd iyo jeer monitoring-ka iyo hawluhu siday u socdaan ku daba jira, maantana insha allaahu waxa aanu warbixinta kaga dhagaysanay Injineerada halka ay dekedu marayso.
Dekedu sidaan horeba u sheegay wakhtigii caadiga ahaa ayay ku dhamaanaysaa, bil kastana sidaasaanu warbixinta ku helnaa, insha allaahu hawshii si habsami leh ayay u socotaa, markaa insha allaahu waxa aanu rajaynaynaa deked tayo leh oo dhamaystiran oo container terminal ahi inuu inoo yimaado, biles-ka waaweyn ee aad halkan ku aragtaan, waa kuwii badda lagu taagayey, mid walba wiishash gooniya iyo dubayaal gooniya ayaa garaacaya, qaybtii barriga iyo buuxintiisu way dhamaatay.
Hada bisha August waxa la galayaa xiligii badda la qodayey ee qaybtii badda laga shaqaynayey, inkastoo dabayl xagaa farabadani ay dhacayso oo shaqada aanay goor hore bilaabin oo tobanka la bilaabay, tobanka ilaa todobada fiidnimo ayaa la shaqeeyaa. Insha allaahu markab kale ayaa imanaya oo sida qalabkii kale iyo wiishashkii,” ayuu yidhi Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, waxaanu intaasi ku daray in dekeda Berbera ay ku soo kordhiyaan kamaradaha amaanka, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii waxa aanu halkan ku daahfuraynaa kamaradaha amaanka ee (security camera) oo aan dekeda ku soo kordhiyey, taas oo ay ku guulaysatay shirkadda la yidhaahdo World Security iyadoo sub-contract sii siisay kambaniga kale ee HUUD Injineering oo uu madax ka yahay Mr Huwad oo ah ninka fuliyey shaqada oo aan shahaado sharaf ku siiyey runtii shaqo wanaaga.
Waxa hada dekeda ku xidhan 95 kamaradood oo 24-ka saacadoodba shaqaynaya, waxa aanu u samaynay meeshii laga maamulayey ee (control room) sideed qof ayaa fadhiya oo kaltan kaltan (shifty) isku badalaya, waxa kale oo xayndaabka shanaad iyo xayndaabka 10aad waxa aanu intaba ku rakibnay kamaradaha amaanka ee iyadu akhriyeysa Lambarka gaadiidka, hanaankan aanu ku rakibnay dekedaha Afrika waa kii koowaad ee hanaan noocaas ahi uu ku rakiban yahay.” Ayuu yidhi Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here