Trump Oo Soomaalida Mareykanka Uga Digay Arrin Qatar Ah

0
433

Washington (QoryaaleNews) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaalida ku dhaqan gudaha dalkaasi uga digay in ay geystaan weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001kii oo kale, arrintaas oo ah mid qatarteeda leh.

Trump oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa uga hadlay wiilal Soomaali ah oo lagu qabtay gobolka Arizona, kuwaas oo doonayay in ay ku biiraan kooxda Islaamiga ah ee Daacish.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in labada wiil ee la xiray ay ku sii jeedeen gudaha dalka Masar, si ay ugu biiraan kooxdaasi.

“Waxaa la xiray Soomaali Qaxooti ah oo doonayay in ay ku biiraan Daacish, baaqeenna ugu weyn waa in aan hurdada ka kacnaa oo aan jebinaa ISIS ama waxaa dhacaya weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001kii ka dhacay Dalka Mareykana.” ayuu yiri  Trump.

Sidoo kale Trump ayaa ku amaanay hay’adaha ammaanka ee dalkiisa, sida ay uga hortageen damaca dhalinyaradaasi.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in aan loo dulqaadan karin qaxooti argagixisanimo ku lug leh, islamarkaana ay iska qaban doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Labada wiil ee Soomaalida ah ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mahad Maxamed iyo Cabdi Yamani Xuseen.

Mid ka mid ah Wiilashan ayaa lagu eedeeyey inuu doonayay in uu isku qarxiyo aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka.

Arrintan ayaa walwal iyo cabsi hor leh ku beertay Soomaalida degan Mareykanka oo horay dhibaato u wajahayey tan iyo markii uu Donald Trump xilka qabtay sanadkii 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here