Aqriso: Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Aaska Marxuum Injineer Yariisow

0
498

Muqdisho (QoryaaleNews)  – Guddiga loo saaray aaska guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho, Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka warbixiyey qaban qaabada iyo diyaar garowga loogu jiro aaska marxuumka.

Afhayeenka mamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan qaban qaabadii ugu dambeysay, islamarkaana saacadaha soo socdo Meydka la keenayo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddiga uu Ra’iisul wasaaruhu u xil saaray aaskan ay howlihii loo igmaday u marayaan meel wanaagsan.

“Run ahaantii Guddigu waxay soo qabteen howlo fara badan, iyadoo la marayo howlihii ugu dambeeyay iyo diyaar garoowgii ay Guddigu ku jireen, waxaana la filayaa in marxuumka Meydkiisa la soo gaarsiiyo magaalada Muqdisho.” ayuu yiri Afhayeenku.

Ammaanka ayaa sidoo kale si weyn loo adkeeyey, iyadoo inta badan la xiray jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa ka qeyb gali doono aaska duqii hore ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Injineer Yariisow ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarkii 24-tankii bishii hore Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here