“Malaayiin Doolar Ayaan Sameeyaa Anigoo Raashin Ku Cunaya YouTube”

0
393

Wakhti maku bixin lahayd inaad daawato qof wax cunaya oo muuqaalkiisa soo galiyay YouTube?

Sidani waa habka ay Bethany Gaskin, oo loo yaqaanno Blove, dhaqaale uga sameyso YouTube-ka, waxayna ku noqotay Milyaneer.

Gabadhan ayaa sheegtay in sannadkiiba ay muuqaallada raashin cunista ka sameyso lacag ka badan 1 malyan oo doolar.

“YouTube wuxuu naga dhigay dad milyaneerro ah, lacag xoogaa ka badan 1 malyan oo doolar ayaan sannad walba ka helaa daawashada muuqaalladeyda, qarashkaasna waxaa kasii baxsan dhaqaalaha iga soo galaya xayeysiimaha aan u sameeyo shirkadaha aan shakhsi ahaan ula macaamilo”, ayey tidhi Blove.

Muuqaallada ay soo galiso barteeda YouTube-ka ayaa dhammaantood muujinaya iyadoo raashin cuneysa, waxaana barnaamijkeeda lagu magacaabaa “Meokbanh”.

Magacan oo xarfo la isu geeyay ka kooban marka afsoomaali ahaan loo sii fasiro wuxuu noqonayaa “Baahinta wax cunista”.

 

. 

Marka muuqaallada lasoo sameynayo, gabadhan ayaa cunta raashin uu xaddigiisu aad u badan yahay.

Inta ay wax cuneyso ayey sidoo kale madadaalisaa dadka ku xiran, iyadoo hadallo la wadaageysa.

Mid ka mid ah barnaamijyadii ay muuqaalkooda soo galisay waxaa la daawaday ku dhawaad 12 malyan oo jeer.

Marka ay dad badan daawadaan muuqaalkeeda, shirkadda YouTube ayaa usii badineysa xayeysiimaha ay lacagta kasoo xarooto, taasoo sababeysa inay gabadhan hesho lacag aad u farabadan.

Barta YouTube-ka ee haweeneydan waxaa si toos ah ugu taxan 2 malyan oo ruux.

Hase yeeshee, dadka qaarkood ayaa barnaamijkan u arka mid dadka ku dhiirrigalinaya inay raashinka u cunaan si aan caafimaad ahayn.

Balse Blove, iyadu way kasoo horjeeddaa fikirkaas.

Iyadoo difaaceysa raashin cunisteeda la daawado ayey tidhi:”Waxay ila tahay in barnaamijkan uu yahay mid xiiso badan leh, dad badanna caawiya. Dadka wuxuu ka bixiyaa xaaladaha qallafsan, sida xilliyada ay xanaaqsan yihiin, waxay dad badan ka dhigtaan wehel, waxaa marar badan noo soo mahad celiya bukaannada qaba cudurka kansar-ka, waxayna noo sheegaan sida aan uga caawinay inay u fududaato raashin cunista”.

.Image captionBlove ayaa sheegtay in barnaamijkeeda uu dad badan caawiyo

Howlaha la xiriira sameynta muuqaallada YouTube-ka ayaa waayadii dmabe noqday ganacsi ay dad badan ku jiraan.

Blove ganacsigeeda YouTube-ka waxaa maamule uga ah ninkeeda, kaasoo aan shaqo kale ka fikirin.

Sidoo kale wiilasheeda ayaa si gaar ah u sameystay ciwaannadooda YouTube-ka ee ay ganacsi ahaanta u adeegsadaan.

Waxaan shaki ku jirin in haweeneydan ay ka mid tahay shakhsiyaadka dhaqaalaha ugu badan ka hela barta YouTube-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here