”Waxaan Xusuusta Daqiiqad Kasta Oo Ka Mid ah Nolosheydii Hore”

0
364

Bob Petrella waxa uu xusuustaa il-biriqsi kasta oo ka mid ah noloshiisa. Ilaa 60 qof oo la mid ah Bob Petrella ayaa ilaa haatan la ogyahay in ay dunida ku nool-yihiin.

”Waa sida anigo haysta mashiin waqtiga xisaabeysa, haddii aan doono in maalin ka mid ah maalmihii aan soo maray nolosheyda dib ugu laabto oo aan xusuusto dhamaan wixii aan sameeyay amaba isoo maray maalintaas, waxaan u maleeyaaba in aan joogo isla maalintaas oo ma ilaawin”.

Petrella ayaa sheegay in marka uu dib u xusuusta xilliyada qaar ee noloshiisii ay caawiso gaar ahaan marka uu careeysan yahay. ”Waxaan dareema in aan weli joogo isla xilligaasi”

laakiinse dadka qaar oo la mid ah Petrella ayaa iyaga sheegay in ay dhibaato la soo daristo baddelkii ay caawin lahayd. Rebecca Sharrock oo ah haweeneey u dhalatay dalka Australia ayaa sannadkii 2007-dii barnaamijka BBC-Future u sheegtay: ”haddii aan dib u xusuusto dhacdo igu dhacday markii aan 3 sano jir ahaa, xaaladayda iyo caqliyaddayda waxay isku baddelaysaa sida canug 3 sano jir ah, inkastoo aan qof weyn ahay”. Farqigaas ayaa horseedaya jah-wareer iyo cabsi.

Dhanka kalana Nima Veiseh ayaa sidoo kale barnaamijka BBC-Future u sheegay in marka uu noloshiisii hore xusuusto uu dareemo, deganaansho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here