“Naftayda Ayuu Ka Bad Baadiyay Nin Bambo Watay Marxuum Yariisaw” Weriye Ajaanib Ah

0
396

Qisadan waxay ku saabsan tahay, oo ka sheekeynaya wariye ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Andrew Harding.

Wuxuu ciwaanka kore ee sheekadiisa, oo dhowr sano kahor dhacday ka dhigay: Saaxiibkeygii geeriyooday, ee ahaa duqa magaalada Muqdisho.

Waxay ahayd xilli galab gaabad ah oo aan ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Nin ay indhihiisa xinjiro guduudan ka muuqdaan, oo dhar aan isku toosneyn xiran ayaa horteyda istaagay, wuxuuna iga xiray waddadii aan marayay.

Gacanta wuxuu ku heystay Bambo, khatar weyn ayaana ka muuqatay sida uu bambada u hayo.

Waxay u muuqatay arrin naxdin leh, hubka uu sitayna wuxuu ahaa mid cabsi xoog leh laga qabo.

Si tartiib ah ayaan telefoonkeygi usoo baxsaday, isla markiina waxaan billaabay inaan waco saaxiib i caawiya.

Waan ogaa in Injineer Yariisoow uu iga qaban doono telefoonka. Mar walbana wuu iga qaban jiray. Waxaan sidoo kale ogaa inuu arrintan xal u heli doono, taasina waa waxyaabaha uu khaaska ku ahaa.

Xilligaas Injineer Yariisoow wuxuu ahaa afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Balse sanadihii lasoo dhaafay, wuxuu qabtay xilal kala duwan oo sar sare sida: la taliyaha xukuumadda, wasiir, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Ninkii Bambada watay ayuu u sheegay inuu iska key dhaafo, wuuna ka aqbalay, sidaas ayaana khatartii uga baxay.

 

. 

Wuxuu ahaa nin geesi ah, go’aan leh, dhexdhexaadna ah.

Muddo tobannaan sano ah ayuu ku noolaa magaalada London, ka dib markii uu ka cararay colaadda Soomaaliya.

Intii uu joogay Ingiriiska, mar wuxuu ka shaqeyn jiray waaxda maamulka degmooyinka iyo sidoo kale guriyeynta.

Injineer Yariisoow wuxuu ahaa nin dhalasho iyo qoys ku leh Britain, sidoo kalena Soomaali ah.

Laakiin sanadkii 2009-kii ayuu kaligiis dib ugu laabtay Muqdisho, Soomaaliya.

Ma jirin cid halkaas u dirtay, mana jirin cid ku khasabtay go’aankaas.

Wuxuu ahaa go’aan uu shakhsi ahaan u qaatay isagu, sababtoo ah wuxuu u arkayay inay tahay tallaabo saxan.

Sanadihii aan shaqeynayay, waxaan la kulmay shakhsiyaad badan oo horay u ahaa qurbajoog, kuwaasoo dib ugu laabtay Soomalaiya.

Sida Injineer Yariisoow oo kale, waxay ka tageen qoysaskoodii, shaqooyinkoodii, xirfadahoodii iyo amnigii ay heysteen, si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda hooyo.

Dhammaantood waxay sidaas sameeyeen iyagoo og khatarta wali ka jirta Soomaaliya.

Qaarkood waxay dalka ka fureen makhaayado ama ganacsiyo iyo isbitaallo.

.Lahaanshaha sawirkaHODANImage captionHodan Naleye waxay ku geeriyootay weerar dhacay 2 isbuuc kahor

Kuwo kalena waxay u istaageen inay caalamka tusaan wajiga aan colaadda ahayn ee Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah wariye Hodan Naleye, oo ka tagtay Canada, si ay u soo bandhigto bilicda Soomaaliya, xeebaha, raashinka iyo dhaqanka.

Hodan waxay kamid ahayd dadkii ugu kartida badnaa ee aan abid la kulmay.

Labo isbuuc kahor ayaa lagu dilay weerar ay kooxaha islaamiyiinta ah ka fuliyeen hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here