Taliyeyaal Ciraaqi Ah Oo Xilka Looga Qaaday Maxaabiis Baxsatay

0
395

Baqdaad{QoryaaleNews} Taliyeyaal sarsare oo ka tirsan booliska caasimadda Baqdad ayaa shaqada laga eryay kadib markii 15 qof oo u xirnaa ka ganacsi daroogo ay xabsiga ka baxsadeen.

Maxaabiista ayaa ka baxsaday xabsi ku yaal bariga caasimadda Baqdad, waxaana wararku ay sheegayaan inay u awood sheegteen ilaaladii jeelka ka hor inta aanay jabsan.

Dowladda Ciraaq ayaa si adag uga jawaabtay falkaasi. Taliyaha booliska ee caasimadda ayaa xilka laga qaaday, waxaana sidoo kale shaqadii laga eryay saraakiisha u xil saarnayd ammaanka deegaankaasi.

 

Ka ganacsiga daroogada ayaa dhibaato weyn ku haya dalka Ciraaq, balse dadka loo soo qabto ayaa inta badan ka baxsada xabsiyada iyagoo xoog adeegsada ama laaluush bixiya.

Xabsiyada Ciraaq ayaa waxaa buux dhaafiyay dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururkii laga adkaaday ee isku magacaabay dowladda Islaamka iyo dembiilayaal kale, waxaana saxmadda ka jirta jeelasha ay caqabad ku tahay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here