Dawlada Fadaraalka Ah Somalia Oo Wada Qorshe Halis Ku Ah Al-Shabaab

0
411

Kismaayo (QoryaaleNews) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada qorshe ballaaran oo halis ku ah xooggaga Al-Shabaab, kaas oo la doonayoin looga saaro gobolka ay heystaan ee Jubbada Dhexe.

Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga, gaar ahaan guutada 10-aada ee ka howlgasha gobolka Gedo ayaa sheegay in magaalada Baardheere laga furayo saldhig laga qorshaynayo, sidii Al-Shabaab looga qabsan lahaa gobolka Jubbada Dhexe ee hoostaga maamulka Jubbaland.

Taliyaha guutada 10-aad Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali (Sanka) oo shalay gaaray Baardheere ayaa tilmaamay in si deg deg ah loo furi doono saldhiggaasi .

“Aniga booqashadeyda waxa ay qeyb ka tahay dardargelinta howlgallada socda, qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhig weyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalkiisa Al-Shabaab looga qabsan lahaa guud ahaan gobolka Jubbada Dhexe.” Ayuu yiri Taliye Maxamed Cadow Cali (Sanka).

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa guud ahaan gacanta ku heysa Al-Shabaab, waxaana la sheegaa in ay ka soo abaabusho inta badan weerarada iyo qaraxyada ay geysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here