Dhalinyarada Muqdisho Oo Billaabay Shirar Ka Dhan Ah Dowladda Iyo Al-Shabaab

0
376
Muqdisho (QoryaaleNews) – Dad badan ayaa ilaa hadda waxaa ka daadagi la’a in Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ahna duqii magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ay dileen Al-Shabaab waxaana soo kordhaya shakiga iyo tuhunka arintaasi ku saabsan.

Dhalinyaro badan oo ku nool magaalada Muqdisho islamarkaan ah aqoonyahaano ayaa bilaabay kulamo arrintaasi iyo dhibaatooyin kale oo jiray looga dhiidhinayo.

Dhallinyaradaan ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Muqdisho ay wajahayaan beegsi gaar ah iyo in la dabar goynayo aqoonyahaankooda iyo qaybaha kale ee Bulshada ee haldoorka ah.

Arrintaan ayaa u muuqata kacdoon aan wali soo ifbixin waxaana xoogga lagu saarayaa badbaadada dadka ku nool gobalka Banaadir. Qaar kamid ah dhalinayaradaan ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankooda uu yahay mid ay ku badbaadinayaan haldoorkooda islamarkaana looga hortagayo weerarada Al-Shabaab iyo damaca Dowaldda ee Gobalka Banaadir iyo waxqabad la’aanta Dowladda ee Muqdisho sida ay sheegeen.

Kulamadaan ayaa ka socda goobo gaar ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana abaabulaya barayaasha Jaamacadaha iyo Iskuulada kuwaas oo doonaya in daba qabad loo sameeyo dadka magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen.

Odayaasha, siyaasiinta iyo xubnaha dowladda ku jira ayey sheegeyn in ay wax ka waayeen balse aysan dulqaadan karin wixii hadda ka dambeeya sida ay noo sheegeen.

Muqdisho waxaa jira musiiibooyin u gaar ah oo ay ku dhinteen dad badan oo indho u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaana ugu dambeeyay Guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here