Ninkii Duurka Galay Isagoo 20 Jir Ah Iyo Sababtii Uu Dunida Uga Sii Jeestay

0
384

Ninkii Duurka Galay Isagoo 20 Jir Ah Iyo Sababtii Uu Dunida Uga Sii Jeestay

 

Waxaa jira dad badan oo aan jecleyn inay kali noqdaan. Sababtoo ah waxay diidayaan inay cidlo dareemaan. Balse dadka qaarkood, kali ahaanshaha iyo cidlada ayey doorbidaan. Wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Shabnam Grewal ayaa lasoo sheekeysatay nin adduunka kasii jeestay oo ku sugan meel keyn ah, waxayna wax kasoo ogaatay sababta uu ninkaas Mareykanka ah u qaatay go’aanka uu uga tanaasulay nolosha caadiga ah ee dunida, isagoo waliba tallaabadaas qaaday xilli uu aad u da’ yaraa.

Sanadkii 1986-kii, Christopher Knight , oo 20 sano jir ahaa ayaa u jiheystay dhinaca keymaha ku yaalla miyiga gobolka Maine ee dalka Mareykanka.

Wuxuu meel cidlo ah uga dhaqaaqay gaarigii uu ku safrayay, isagoo ka qaatay xoogaa cunto ah iyo qalabka kale ee aasaasiga ah.

Ka dib wuxuu lug ku aaday keyntii u muuqatay. Ninkan dib uma uusan soo laabanin muddo 27 sano ah.

Markii uu in muddo ah ku dhex lunsanaa duurka, Knight wuxuu ugu dambeyn helay meel markii dambe u noqotay hoygiisa.

 

Waa goob yar oo uu caws ku yaallo, isla markaana nadiif ah.

Meeshan waxaa ku hareereysan haro lagu magacaabo North Pond.

Wuxuu teendho yar ka sameystay geedaha dhexdooda, wuuna dagay. Waa meel gabi ahaantiisba qarisay, inakstoo ay masaafe yar ‘oo loo socon karo’ u jirto mid ka mkd ah boqollaalka goobood ee hoy ahaanta loo tago xilliga xagaaga.

Halkan waa xerada uu dagan yahay Knight ee u dhow harada North Pond

Knight si uu u noolaado wuxuu alaab kasoo xadi jiray goobaha hoy ahaanta loo tago ee agagaarkiisa ka buuxay. Laakiin kaliya wuxuu soo qaadan jiray waxyaabaha uu u baahan yahay sida: raashinka, gaaska cuntada lagu karsado, dharka, kabaha, baratiyaal uu ku isticmaalo tooshashkiisa iyo buugaag badan.

Wuxuu isku dayi jiray inuu yareeyo khasaaraha uu sababi karo marka uu wax xadayo. Laakiin tirada inta jeer ee uu wax xaday waxay ka badan tahay 1,000 jeer, sanadihii uu halkaas joogay, wuxuuna marar badan ka careysiiyay dadka iska leh xarumaha hoy ahaanta looga kireeyo dadka soo xagaa baxa. Ugu dambeyn booliska ayaa dabin u dhigay, waxayna gacanta ku dhigeen isagoo wata alaab uu xaday.

Nin qoraa ah oo lagu magacaabo Mike Finkel ayaa xabsiga ku booqday Knight, xilli uu qorayay buug uu ku magacaabay, ‘Ninka aan la aqoonin ee duurka ku jira’.

Markii uu u tagay wuxuu weydiiyay su’aasha la iska wada garan karo ee ah ‘waa maxay sababta aad sidan u sameysay?.

Wuxuu weydiiyay waxa ku kallifay inuu isaka sii jeesto dunida, oo uu kaligiis meel cidlo ah ku noolaado.

harada North Pond oo ku taalla gobolka Maine

Chris Knight wuxuu sheegay inuu ku qanci waayay nolosha caadiga ah ee ay dadka kale isla joogaan ama isla hadlaan.

Gabadha wariyaha ah ee sheekadan sameysay ayaa sheegtay in markii hore ay fileysay arrin khaas ah oo ninkan ku khasabtay inuu go’aankaas qaato.

Waxay weydiisay Su’aalaha kala ah: Ma dambi ayaad gashay? Ma waxaa jiray wax ceeb ah oo aad ka carartay? Ma arrin kale oo khaas ah ayaa ku heysatay?

Laakiin Mr Knight wuxuu ku adkeystay in waxyaabahaasoo dhan aysan jirin.

Wuxuu sheegay in naftiisa uun ay ku qanacday inuu kaligiis meel ku noolaado, isagoo aan muddo ku dhawaad 30 sano ah la hadlin qof bani’aadan ah.

Inkastoo ay jirtay mar uu hadda kahor erayga “Hi”(Haye) ku yiri nin fuur fuulayay oo kusoo dul dhacay.

Iyadoo cimilada qabowga gobolka Maine ee xilliga guga ay aad u xuntahay, mararka qaarna uu heerka qabowga gaaro -20C, Knight wuxuu sheegay in waligiis uusan shidanin dab, maadaama uu diidayay in iftiinka ama qiiqa dabka ay dad kusoo arkaan.

Finkel oo ah qoraaga buugga ka sameeyay ninkan ayaa sheegay in sheekadiisu ay tahay mid mucjiso leh.

“Haddii aad hal habeen u baxdo duurka Gobolka Maine, xilli gu’ ah, oo aad teendho ka sameysato meel bannaan, wax dab ahna aadan shidanin, anigu aad baan kuula yaabi lahaa. haddii aad sidaas sameyso muddo hal isbuuc ah, waxay ila noqon lahayd arrin aan aad ula dhacay, balse haddii aay muddo bil ah sii waddo maba aamini lahayn. laakiin ninkan wuxuu sidaas sameynayay 27 gu’ oo isku xigta”, ayuu yiri Finkel

Knight wuxuu u sheegay Finkel inuu habeenkii seexan jiray fiidkii hore, abaare 7pm, uuna soo kici jiray 3am, oo ah xilliga ugu qabow habeenka, isla markaana uu meelaha socsocon jiray ilaa uu waaga ka baryo.

Qaar kamid ah alaabtii laga soo qaaday xerada Knight

Booliska ayaa markii ay ninkan qabteen waxay dib usoo celiyeen qalabkii uu xaday, ee yaallay xeradiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here