Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqday In Loo Gurmado Zimbabwe

0
349

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa sare u qaaday qeylo dhaanta degdega ah ee ku aaddan xaaladda dalka Zimbabwe, iyadoo ka digtay in ku dhawaad 5 milyan oo qof – tiradaasi oo ah saddex meeloodoo meel shacabka wadankaasi – inay u baahan yihiin cunno gargaar ah.

Madaxa barnaamijka cunnada adduunka (WFP), David Beasley, ayaa sheegay in qaar badan oo dadkaasi ka mid ah ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan.

Zimbabwe ayaa waxaa saamayn weyn ku yeeshay abaar baahsan, duufaan dhawaan ku dhufatay iyo dhaqaalo xumo muddo soo jirtay.

WFP ayaa sheegtay inay u baahan tahay lacag ka badan 330 milyan oo dollar si ay ula tacaasho xaaladda dadka gaajaysan ee Zimbabwe.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in abaarta dalkiisa ka taagan ay tahay musiibo qaran.

Wasiirkiisa maaliyadda Mthuli Ncube ayaa kulan caalami ah oo looga hadlayay xaaladda dalkiisa u sheegay in dowladda Zimbabwe ay la fajacday saamaynta ay reebtay abaarta, gaar ahaan koronta yarida ka dhalatay.

Iyadoo shacabka Zimbabwe ay ka muragsan yihiin xaaladda dhaqaale ee dalkooda, ayaa xisbiga ugu weyn mucaaradka ee MDC waxa uu sheegay inuu qorsheynayo dibed baxyo ka dhan ah habka ay dowladda u maaraysay dhaqaalaha wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here