Madaxwayne La Isla Dhex-Marayay Inuu Dhintay Oo Goob Fagaara Ah Lagu Arkay

0
338
Madaxwaynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdymukhamedov ayaa maanta ka so hormuuqday shacabka ka dib markii ay horey u soo baxeen warar la isla dhex marayay oo sheegayay inuu dhintay.Maanta ayuu Mr Berdymukhamedov waxa uu furay shir ay ka qeybgalayaan hogaamiyayasha gobolka waxa uuna shirkan ka dhacayaa magaala xeebeedka Caspian ee dalkaasi.Waa marki ugu horreeysay oo uu meel fagaaro ah ka soo muuqdo tan iyo intii ay soo baxeen wararka sheegayay geeridiisa.Warbaahinta wax ku qora luuqada Ruushka ayaa inta badan baahinayay dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay warkan iyaga oo sheegay in madaxwaynaha ay kiliyaha istaageen.Warbaahinta dalka Turkmenistan ayaa isku dayday inay beeniyaan wararkaasi ku saabsanaa geerida madaxwaynaha iyaga oo daabacay sawirka madaxwaynaha oo dalxiis ku jira.Hasa yeeshee ma jiran cid madaxbanaan oo xaqiijin kartay in sawirka dhawaan la qaaday iyo in kale.Balse Isniinta maanta ahayd ayay beenowday wararkaasi la isla dhexmarayay isaga oo shir goboleedkaasi furay.Madaxwayne Berdymukhamedov ayaa soo muuqday isga oo u sheegay hogaamiyayaasha Ruushka, Azerbaijan, Kazakhstan iyo Iran: “waxaan idinkugu hambalyaynayaan furitaanka shirka dhaqaalaha ee markii ugu horeeysay lagu qabtay Caspian.”

Maxaa keenay in la dhaho madaxwaynaha wuu dhintay?

Wararka sheegaya “dhimashada” madaxwaynaha Berdymukhamedov ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay baahiyeen warbaahino dibadda dalkaasi ku sugan oo ka soo horjeeda nidaamka madaxwaynaha.Wararkaasi ayaa waxaa ka dib qoray warbaahinta Ruushka sida NTV, waxa sidoo kale lagu baahiyay baraha bulshada.Telefishinka Turkmenistan Watan Habarlary ayaa isku dayay in uu beeniyo wararkaasi iyaga oo baahiyay sawirro madaxwaynaha oo Fardo fuushan iyo isaga oo wada gaari ah nooca tartanada lagu galo.Balse ma jirin cid xaqiijin kartay in sawirkasi dhawaan la qaaday iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here