Muddo 24 Saacadood Ayay Guulo Waaweyn Ku Gaadhay

0
353

Muddo 24 saac gudahood, Bhasha Mukherjee waxa ay bilawday laba shaqo oo aan fududeyn.

Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa waxa ay marka hore ku guulaysatay tartanka quruxda ee dalka Ingiriiska 2019-ka.

Kaddib markii loo magacaabay gabadha ugu quruxda badan Ingiriiska waxay saacado kaddib heshay fursado kale oo ay dhakhtar uga noqonayso Boston, incolnshire.

Waa shaqadeedii ugu horreysay tan iyo markii ay jaamacadda Nottingham ka qalin jebisay.

“Aaad ayaan u farxay, waxay ahayd shaqadaydii ugu horreysay kaddib muddo shan sano ah oo aan baranayay dhakhtarnimo.”

“Markii aan ku guulaystay tartanka quruxda dalka ee sannadka, ma fileyn guushan. Wakhti ayay igu qaadatay inaan rumaysto natiijada.”

Bhasha Mukherjee

“Maalintii ugu horreysay waxaan quraac u soo raadsaday maqaayad ku taalla dibadda, waxaa i aqoonsatay haweenay, waxa ay i weydisay sida uu tartanka ahaa.”

Bhasha

Waxa ay sheegtay Bhasha in dad badan ay ku dhiirageliyeen inay ka qayb qaadato tartanka quruxda.

Kaddib waxa ay go’aansatay inay ka qayb qaadato tartamo ku saabsan quruxda, iyada oo markii ay jaamacadda dhamaysay ku guulaysatay inay qaadato tartanka quruxda ee Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here