Burco Yaa Maamula Culimo Mise Badhasaabka Fadhiidka Ah + Xaqiiqooyin

0
553

Aragti Ahaan Xidhitaanka Shaqaalaha Ajanibka Ah

Warsan Etopian Resturant Waa Goob Ganacsi Ee Maaaha Kiniisad Kiristaan , Diinteena Suuban Ee Islaamkuna Waa Nasteexo Iyo Waano Ee Maaha Dil Jujuub Iyo Xadhig , Way Ku Mahadsan Yihiin IN Culimada Gobolka Togdheer Ay Ilaaliyaan Dhaqankeena Iyo Diinteena Suuban 
Balse Khalad Ayaan U Arkaa Saaka Inay Si Jujuub Ah Ku Xidhaan Shaqaale Ajanib Ah Oo Wadanka Xaq Iyo Xaquuqba Ku Leh , Xaq Waxay U Leeyihiin Inay U Naseexeeyan Oo Ugu Baqaan Inay Joojiyaan Wixii Diinteena Dhawacaya ,

Warsana Waxa Uu Yahay Khaladka Ay Leedahay Inay Ganacsigeeda Ka Ilaaaliso Wixii Diinteenu Xaran Tinimaysay

Khaladka Ugu Wayn Waxaa Leh Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Isagu Ah Madaxwaynaha Gobolka Oo Ogaa Ilaa Iyo Maalintii Meheradan La Furay Ogaa Sababtuu Uga Hor Tagi Waayay Furitaankeda Ee Uu U Carqaladeeyay Shaqadeeda

Ma Badhasaabka Gobolka Maamula Mise Culimada Yaa Amarka Iyo Fulinta Leh

Aragti Ahaan Ganacsi Shaqsi Dhalin Yaro Ahi Hal Abuuray Oo Shaqo Abuur Iyo Bilicba Soo Kordhisay In Si Fudud Loo Xidh Xidho Khalad Aan Gabasho Lahayn Ayaan U Arkaa

Shaqaalaha Ajanibka Ee Wadanka Usoo Shilimaad Doontayna In Cago Juglayn Iyo Dhibaato Loo Gaysto Taasna Waa Khalad Sii Balaadhan

Gabagabadii Burco Ha Midawdo Madax Shacab Iyo Maamulba

 

Shaybe Cumar Cismaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here