Bangiga Adduunka Oo Saadaal Wanaagsan Ka Soo Saaray Dhaqaalaha Somaliya.

0
343
Bangiga Adduunka Oo Saadaal Wanaagsan Ka Soo Saaray Dhaqaalaha Somaliya. Baanka adduunka ayaa saadaalinaya in dhaqaalaha dalka Somaliya uu kor ukac wanaagsansamayn dooo sanadaha soo socda, sida lagu sheegay baqaan uu soo saaray Baanka Adduunku. 

Bayaan ayaa lagy sheegay in uu sanadkan sare ukici2.9%, halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%, ka hor inta aanu deg deg u gaadhin 3.2% illaa 3.5%, saddexda illaa shanta sano ee soo socota, sida uu sheegay Bankiga Adduunka

 

Saadaasha sare u kaca ee saddexda illaa shanta sano ee socota ayaa ku xidhnaan doonta sida dalka uu awood ugu yeesho joogteynta is-beddelada dhaqaale ee socda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Bankiga Adduunka.

 

Dakhliga kasoo xarooda canshuurta ay ururiso dowladda Soomaaliya ayaa sanaddii tagtay sare u kacay 29%, kadib markii dhaqaalaha uu kasoo kabtay abaaro xooggan oo dhacay sanadkii kaas ka horreeyey, islamarkaana dowladda ay is-beddelo ku sameysay siyaasaddeeda canshuuraha.

“Inkasta oo horumarkan uu yahay mid dhiir-gelin leh, miisaaniyadda la heli karo si looga soo baxo baahiyaha qarash-gareynta ee qeybaha waxbarashada iyo caafimaadka kuma filna” ayaa lagu yiri qoraalka Banki Adduunka

 

Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa bishii May sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku taagan yahay waddadii saxda, hase yeeshee waxa uu ka digay inuu u baylahan yahay amni-darrada, is-beddelka cimilada iyo saboolnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here