Wasiir Sacad Iyo Agaasime Gurxan Oo Wasaarada Maaliyada Ka Sameeyey Isku Shaandhayn Dhinac Ka Raran.

0
375
Wasiir Sacad Iyo Agaasime Gurxan Oo Wasaarada Maaliyada Ka Sameeyey Isku Shaandhayn Dhinac Ka Raran.Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa isku shaandhayn dhinac ka raran ku sameeyey agaasimeyaasha iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi.

wasiir Sacad Cali Shire ayaa isku shaandhayntan uu sameeyey waxa uu agaasime waaxeedyadii ugu badan isla markaana kuwa ugu muhiimsan ah u magacaabay shaqaale ay isku deegaan ka soo jeedaan, taas oo dhalisay dareen taban oo laga muujiyey hab dhaqanka wasiirka maaliyada.
sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Cabdi Gurxan ayaa wasiir Sacad kula socda isku shaandhayntan dhinaca ka raran iyada oo xoguhuna ay xaqiijiyeen inuu qayb ku lahaa go’aanka uu wasiirku ku magacaabay agaasime waaxeedyadan kala duwan ee u badan beeshiisa.
Halkan Hoose Ka Akhriso Isku Shaandhaynta Uu Wasiir Sacad Sameeyey, Anaga Oo Qaybo Dambe Idiinku Soo Gudbin Doona Deegaanada Ay Ka Soo Jeedaan Xubnahan La Magacaabay

No photo description available.

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here