“Dalka Nabadiisa Inaan Wada Ilaalino Waa Waajib, In Nabadda La Isku Tuurtuuro Oo Laga Dhigo Sheeko La Isku Haysto Looma Baahna”

0
424
“Dalka Nabadiisa Inaan Wada Ilaalino Waa Waajib, In Nabadda La Isku Tuurtuuro Oo Laga Dhigo Sheeko La Isku Haysto Looma Baahna”Madaxweynihii hore ee JSL Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku taliyay in nabadda guud ee qaranka Somaliland la wada ilaashado oo aan la isku tuurtuuin.

Madaxweyne Rayaale ayaa hadal ka jeediyay munaasibad ay Jaamacadda ADMAS, faraceeda Borama u samaysay arday qalin jabisay, waxaanu Md. Rayalae hadalkiisa ku bilaabay sidan “Dalkana nabadiisa inaan wada ilaalino waa waajib, in nabadda la isku tuurtuuro oo laga dhigo sheeko la isku haysto looma baahna, nabadu waa waxa bini-aadamku ku noolyahay, haddii aanay nabadi jirin xataa salaada ma tukan karaysid cibaadadu xataa khalkhal bay ku jiraysaa.”

Isagoo Md. Rayaale hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyay “Nabadu waa furaha nolosha, jaamacado ma jireen, waxba ma jireen, Awdal iyo somaliland guud ahaanba meel fiican bay maraysaa, laakiin inta la socdo taariikhda turaanturo lama waayo, dhacdooyinkuna waa wax caadiya oo bini-aadamka la socda mar kastaba waxbaa dhacaya, waxa dhacaaya sida xal loogu raadinayo ayuun baa meesha yaala ee wax kale oo yaalaa ma jiro, inay hagaagaan nin kastaa wuu jecelyahay. Waxa la yidhaahdaa ninka adhigiisa bahal ku jiro ayaan darane mooyee orod darane lama yidhaahdo, waxaan aaminsanahay in loo dedaalayo dadkas oo boqol ergo loo diro oo Somaliland isugu tagto, Alle waxaan ka baryayaa inuu nabad ku soo dabaalo, caqligana Alle u soo celiyo, dadkaas walaalaheen ah ee bariga ee uu dagaalku ka dhaxeeyo waa dad walalao ah oo wada dega abti iyo ilmaabti isu ah, fitnadu way bilaabantaa laakiin fitnadu markay bilaabanto siday ku dhammato way adagtahay.”

Isagoo ka hadlaya wakhtigii uu madaxweyne-xigeenka u ahaa Marxum Cigaal oo uu dhawr bilood nabadaynta u soo fadhiyay Burco iyo Ceerigaabo, wuxuu yidhi “Waan xasuustaa oo markaan madaxweyne-xigeenka ahaa Burco 3 ilood ayaan joogay, Cerigaabana 3 b ilood iyadoo la isku laynayo.

Waxa nasiib wanaag ii suurtogashay inaan dadskaas heshiisiiyo oo ay nabad noqdaan maamul dawladeedna laga dhiso, haddana waa taas dhibaatadaasi ka dhacday, Alle waxaan ka baryayaa inuu nabad ku soo dabaalo oo nabad noqdaan, dalkeenuna runtii waa inagu filanyahay, horumarkuna maalinba in baa soconaysa, waana la gaadhi doonaa horumarka haddii Alle yidhaahdo, waxaanan dhallinyaradiinaa idinkula talinayaa inaad dalkiina u fikirtaan, halkanaad leedihiin meel kale oo aad leedihiin ma jirto, shalay markii xamar laga soo qaxay nin kastaaba gurigiisii ayuu yimid.”

Isagoo la hadlaya reer Awdal wuxuu yidhi “Reer Awdal waxyaabo badan oo wanaagsan oo ay sameeyeen oo ay marmarka qaarkood iska dafiraan ayaa jirta, idinkaa jaamacadda bilaabay, idinkaa nabadii bilaabay, dawladnimada idinkaa dhisay la idiinkama sheegan karo oo marti kama tihidin si fiican wixiina u raadsada, taasaan idinkula talinayaa.”

Ugu dambayn wuxuu bogaadiyay ardayda shalay ka qalin jabisay jaamacadda ADMAS, faraceeda Borama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here