Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Fadhi Gaar Ah Oo QM U Qorshaysay Somalia

0
330
 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna.

“Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo doorasho ee dalka, iyadoo wadajir ay uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashiiyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga hadlay tayeynta, diiwaan gelinta iyo guulaha Ciidamada Qalabka sida ay ka gaareen argagixisada Alshabaab, iyagoo xoreeyey deeganno muhiim ah, wakhtigaanna ay sii wadaan howlgallada ballaaran ee xoreynta dalka.

Madaxweynaha aya habeen dambe khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyink

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna.

“Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo doorasho ee dalka, iyadoo wadajir ay uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashiiyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga hadlay tayeynta, diiwaan gelinta iyo guulaha Ciidamada Qalabka sida ay ka gaareen argagixisada Alshabaab, iyagoo xoreeyey deeganno muhiim ah, wakhtigaanna ay sii wadaan howlgallada ballaaran ee xoreynta dalka.

Madaxweynaha aya habeen dambe khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here