Doorashadii Dib U Dhacday Ee Afghanistan Oo Saaka Loo Dareeray

0
380

Ololaha doorashada madaxweynaha ayaa waxaa carqaladeeyey weerarradii ay dadka badani ku dhinteen, maalmo uun ka dib markii Madaxweyne Trump ku dhawaaqay wadaxaajoodki nabadeed ee Taliban iyo Mareykanka u dhaxeeyeyfashilmay.

Natiijada rasmiga ah ee doorashadan maanta dhacaysa ayaan si dhakhso ah loo shaacin doonin, waxay se dad badani qabaan in arrintaasi sababi karto qalalaase siyaasadeed oo hor leh maadaama oo dimuqraadiyadda Afghanistan.

 

Tobanaan kun oo ciidamada nabadgelyada ah ayaa la dhigay goobaha codbixintu ka dhacayso. Ururka Taliban ayaa wacad ku maray in ay weerarro ku ekayn doonaan goobaha codbixinta.

Doorashadaan oo laba goor oo hore dib loo dhigay ayaa ku soo beegmaysaa iyadoo a bishii hore ay fashilmeen wadahadallo nabadeed oo ay lahaayeen Maraykanka iyo Taliban.

Kumannaan ciidamada nabadgelyada ah ayaa ilaalinaya goobaha codbixinta

Af-hayeen u hadlay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalkaasi, Zabi Sadaat, ayaa wakalaadda wararka ee AFP u sheegay in codbixntu ka dhacayso dalka oo dhan.

Waxaanu sheegay in ay ku faraxsaniyiihin in shacabka ay durbadiibada safaf dhaadheer u galeen iyaga oo ku hanweyn inay codkooda dhiibtaan.

Tartanka madaxweynenimada waxa markii hore isku soo sharaxay sideed iyo toban qof oo ay ka mid ahaayeen hogaamiye kooxeedyo hore iyo xubno ka mid ahaan jiray dowladdii hore ee shuuciga ahyd, hasyeeshee markii dambe ayaa shan ka mid ah musharixiintaasi ka baxeen tartanka.

Madaxweynaha cusub ee loo doorto Afghanistan wuxu hogaamin doonaa dalkaas oo ay haystaan caqabado ka dhashay dagaalka afartan jirsaday ee weli meelaha qaarkood ka socdaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here