Sawirro: Goobaha Ugu Caansan Dalxiiska Sucuudiga

0
425

Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay dalkiisa u ogolaan doona in dalxiiseyaasha dunidu tagaan, ujeedaduna waa in dhaqaalaha dalku saliidda oo keli ah aanu ku tiirsanaan.

Kobcinta dalxiisku waxa uu udub dhexaad u tahay dib u habaynta dhaqaale ee uu wado dhaxal sugaha taajka boqorooyada, Maxamed Bin Salmaan, ee looga gol leeyahay in la yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee Saliidda.

 

Qorshahani wuxu soo baxay iyada oo boqortooyada Sumcaddeedii dunida ay dhaawacday dhaliisha lagu hayo daryeelkeeda xuquuqda aadanaha ka dib markii la dilay saxafigii Jamaal Khaashoqji iyo sidoo kale dumar u ololeeya xuquuqda haweenka oo dhawaan xabsiga loo taxaabay.

Waa kuwee meelaha ugu mudan ee dalxiiseyaashu Sucuudiga ka tegi karaan?

Foohatul Wacaba

.

Meel u jirta 250 Km magaalada Daa’if, waxa saxaraha badhtankiisa ku yaal god sidii hare oo kale ah oo ah meel malaayiin sano ka hor foolkaane ka qarxay. Badhtamaha godkaana waxa ka buuxda cusbo.

Madaa’in Saalix

.

Waa meesha labaad ee ay ku yaallaan guryaha laga qoray dhadhaabaha waawayn, waxayna ku xigtaa kuwa ku yaal Urdun.

Goobtan Madaa’in Saalix waxa lagu daray goobaha Unesco u aqoonsatay dhaxalka aadanaha ka dhexeeya ee dunida.

Xaafadaha Jidda ee qadiimka ah iyo kadinka Makka ee qalcadda ku taal

.

Goobta labaad ee Sucuudiga ku taal ee ka midka ah goobaha Unesco u aqoonsatay dhaxalka aadanaha ka dhexeeya ee dunida wax aka mid ah kadinka Makkah ee xaafadda qadiimka ah ee Jidda.

Magaalada Jidda waxay aasaasantahay qarnigii todobaad oo waxay ahayd dekad muhiim u aha ganacsigii badweynta Hindiya, waxaanay sidoo kale ahayd goob ah xujaajta doonyaha wataa u maraan magaalada barakaysan ee Makka.

Qasriga Al-Masmak

.

Qasriga Al-Masmak ee ku yaal Riyaad waxa la dhisay 1865 laakiin wuxu ku caan baxay dhacdo 37 sano dhismihiisa ka dib dhacday.

Sannadkii 1902 ayaa Cabdicasiis Bin Cabdiraxmaan Bin Faysal Aal Sucuud oo masaafuris kaga maqnaa magaalada awowyaashii dib ugu noqday oo uu qabsaday Qasrigaa.

Halkaas ayaanu xarun ka dhigtay oo uu ka bilaabay xukunkiisii uu ku qabsaday boqortooyooyinkii gobolkaa ka jira ee uu markii dambe ku mideeyey dalka haatan noqday Boqortooyada Sucuudiga.

Umluj oo dadka qaar u yaqaanaan Maldives-ka Sucuudiga

.

Xeebta bacaadka ah ee Umluj waxay ku taallaa Badda Cas, marka xeeliga la joogana waxa si fiican loo arki karaa buuro iyo beero cambe ka baxo oo aan ka fogayn.

Sawir gacmeedka ku xardhan buuraha Jubah iyo Shuwaymiis

.

Sida ay sheegtay Unesco goob u dhaw dhadhaabahan waxay ahaan jirtay haro biyo leh oo ay dadka iyo dugaaguba u soo arooraan.

Waxaana sawirada dhadhaabahaa ku xardhay dadkii halkaa deganaan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here