XOG:Ceeb Iyo Haga Juglayn Kasoo Dhex Baxday Shirweynaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
409

Shirweynihii 2aad Ee Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Saaka Ku Furmay Jawi Degan,

Ayaa Mar Qudha Isku Bedelay Awood Sheegasho Iyo Cabudhin Kadib Markii Ay Mar Qudha Maamulka La Wareegeen Masuuliyiinta Heer Qaran Ee Xisbigaasi,

Dad Badan Oo Kamida Taageerayaasha Iyo Xubnaha Xisbiga Ayaa Gaaf Wareegaaya Baraxada Hore Ee Hotel Kaafi Oo Shirku Ka Socdo,Sidoo Kale Shaqaale Hoosaadka Ayaa Ah Kuwa Laga Soo Kiraystay Magaalada Hargeisa,Sida Warbaahinta Codbaahiyaasha Iyo DGyada,Taas Oo Ay Sababtay Kalsooni Daro Ay Ka Qabaan In Khaladaadka Xisbigu Debeda U Baxo

Waxaa Xusid Mudan In Mar Qudha Lagu Baraarugay Kuraas Lagu Dhejiyey Magacyada Maamul Goboleed Kuwaas Oo Lagu Soo Marti Qaaday Shirweynaha,Jabhadii Hore Ee Khaatumo Ayaa Lagu Soo Marti Qaaday In Kasta Oo Aanay Hada Jabhadaasi Jirin,Waxaana Kuraasta Lagu Marti Qaaday Ku Xardhan,Odhaaha Muujinaya Maamulka Khaatumo State Sida”Gudoomiyaha Maamulka KHAATUMO”

Sawirka Abdilaahi Xudayfi.

 

Arintan Ayaa Cajiib Ku Noqotay Indhaha Bulshada Maadama Oo Aanay Somaliland Ka Jirin Maamul Lagu Magacaabo KHAATUMO,Balse Arintan Ayaa U Muuqata Mid Xisbigu Uga Faa,idaysanaayo Inay Soo Dhoweystaan Hogaamiyihii Hore Ee Jabhada KHAATUMO,Prof Cali Khaliif Galaydh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here