Madaxweyne Dhiirragelinayo Ardayda In La Garaaco

0
374

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magafuli ayaa ammaan kala dul dhacay macallin garaacay ardayda rabshadaha badan.

Albert Chalimilan waa masuul dowladeed oo sare, wuxuuna mas’uul ka yahay mid ka mid gobollada dalkaasi.

Haddaba, waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal muujinaya Mr Albert oo meel taagan arday aad u badanna bogga ay u jiifaan si aad ahna loo garaacaya.

Wasiir ka tirsan Tanzania ayaa Chalimilan horay ugu eedeeyey inuu macallimiinta ku dhiirrageliyo iney ardayda dhibka badan ay garaacaan sidaana ay ku edbiyaan. 

Haddaba Madaxweyne Magafuli ayaa sheegay in loo baahan yahay ardayda in la qanjaruufto/qanjiiriyo haddii ay intaa ku waantoobi waayaana la garaaco, isaga oo macallimiinta kula taliyey iney ardayda edebta daran aad u garaacaan.

Wuxuuna madaxweynaha sheegay sharciga waxbarashada ee sheegaya xilliga ardayda la garaaci karo laga dhigo mid furan.

Sharciga horay dalkaasi uga jiray ayaan macallimiinta iyo maamullada dugsiyada waxbarashada dalkaasi u oggolaaneyn iney ardayda garaacaan.

Macallinka doonaya inuu arday ciqaabana looga baahnaa inuu la yimaaddo xujo cad oo garaaca looga oggolaan karo, marka loo ogggolaadana afar jeer oo keli ah uu ul ku dhufan karo.

Madaxweyne Magafuli wuxuuba shaqada ka eryey macallimiin sheegtay ardayda in la garaaco ay tahay xad gudub loo geysanayo xuquuqda ardayga.

“Mas’uul Chamilan waan la hadlay, si fiican ayuu sameeyey ficilka uu sameeyeyna aad ayaan ugu ammaanayaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Weliba waxaa wanaagsaneyd inuu si aad ah uu u garaaco, ciddi aaminsan ardayda khaldan oo garaaco iney tahay xadgudub bani aadaminimo waa iney bixiyaan kharashka dhismaha ay ardayda galayeen ee ay qaar ka mid ah ardayda dabka qabadsiiyeen. Dhismayaasha iyo hantida qasaartayana waxaa lagu dhisay canshuur laga qaaday dadka saboolka ah ee dalkaasi.” ayuuna sii raaciyey.

Dhacdadi tan ka horreysay

Macallimiin garaacaya wiil arday ah
 

Masuuliyiinta dalka Tanzania, ayaa horay u amray in baaritaan lagu sameeyo muuqaal muujinaya shan macallin oo si arxan darro ah u gaaracaya arday.

Maamulaha Iskuulkaasi oo ku yaalla magaalada Mbeya ee Koonfur Galbeed dalkaaasi ayaa shaqada laga joojiyay.

Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in maamulaha iskuulkaasi , Margaret Haule, laga joojiyay shaqada sababtana ay tahay in aysan tallaaba ka qaadin macallimiinta inkasta oo ay ogeyd waxa dhacay.

Muuqaalkan oo si aad ah dadka ay iskula wadaageen baraha bulshada ayaa waxa la arkayaa iyada oo dhowr rag ah ay si qasab ah wiilkaasi dhulka ugu hayaan oo ay laad iyo dharbaaxyo ku dhufanayaan.

Ciqaabaha noocaan oo kale ah ayaa mamnuuc ka ah dalka Tanzania.

Weriyaha BBC ee dalkaasi ayaa sheegaya in dhacdadan ay suuragal tahay in ay sababto dood kulul oo ku saabsan sida ay iskuulada dalka ugu dhaqmaan sharciga.

Fiidoyowgan oo soconaya 38-ilbiriqsi ayaa caro badan ka dhaliyay dhanka baraha bulshada, iyadoo dadka reer Tanzania, ay dowladda ka dalbanayaan tallaabo ka dhan ah macallimiinta ardayga garaacayay.

Fiidiyowga ayaa u muuqda in lagu duubay qolka macalimiinta ay ku nastaan, waxaana la aaminsan yahay in wiilka dhibanaha ah ay da’diisu u dhaxeyso 16-17 sano.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Tanzania, Mwigulu Nchemba, ayaa sheegay in dowladda ay dirtay koox baarayaal ah oo ka socda wasaaradda waxbarashada iyo koox dhinaca ammaanka ah si loo baaro arrintan ka dhacday dugsiga sare ee Mbeya.

Falkan ayaa sida la sheegayo la duubay 28-da bisha September waxaana duubay macallin aanan ka mid aheyn kuwa arrintan geystay, oo isaga laftirkiisa su’aalo laga weydiiynayo dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here