Sawirro: Dabbaal Dagga Oromada 150 Sano Kaddib Ay Ku Qabsatay Addis Ababa

0
388

Muddo ka badan qarni waxaa marki ugu horreysay caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa lagu qabtay xuska dabbaal dagga sanadlaha ee Irrecha oo ay qowmiyadda Oromada ee ugu badan dalka Itoobiya ay leedahay.

Xuska Irrecha oo ay qowmiyadda Oromadu leedahay waxaa loo dabaal dagaa curashada sanadka cusub iyada oo munaasabado kala duduwan munaasabaddaasi lagu soo bandhigo.

Qayb ka mid ah dabbaal dagga xuska

Ammaanka magaalada oo aadka loo adkeeyey waxaa waddooyinka magaalada isugu soo baxay boqollaal kun oo shacab ah oo dabbaaldagaasi ka qayb galaya, waxayna isugu yimaaddeen fagaaraha ugu weyn magaalada Addis Ababa ee Meskel oo xuskaasi qaybtiisa ugu weyn u ka dhacayey dadkuna waxay ruxayeen calan iyo ubax.

Shacab calan lulayo biyana lagu rusheynayo

Maamulka magaaladu waxay sheegeen iney rajeeynayaan iney xuskaasi ka qaybgaleen 10 million oo qof ayna dhici karto tirada iney intaasi ka badato.

Hadda ka hor xuskan waxaa lagu qaban jiray magaalada Bishoftu oo caasimadda Addis Ababa u jirto 40 km (25 mile) munaasabado noocan ahna waxay ka dhacayaan deegaannada ay qowmiyaddaasi degto oo dhan.

Shacab dabbaaldagga Irrecha ka soo qayb galay oo lagu qabtay fagaaraha Meskel ee Addis AbabaLahaanshaha sawirkaAFP

Qowmiyadda Oromada oo ku hareereysan magaalada Addis Ababa asal ahaanna dhulka ay magaalada ku fadhido iska leh ayaa bariyahan dambe isbalaarin ka wadday siyaasadda, dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee magaalada.

Wariyaha BBC Qaalkidaan Yibeltal waxay sheegtay xuskan in magaalada Addis Ababa lagu qabto ay astaan u tahay mid ay qowmiyadda ugu diyaar garoobeyso doorashada guud ee lagu wado iney dalkaasi ka qabsoonto sanadka soo socda.

Qowmiyadda Oromada oo tira ahaan lagu qayaaso 40 malyan ayaa la sheegaa iney Itoobiya ku nool yihiin taasoo ka dhigeyso in kabadan 30% shacabka dalkaasi.

Dadka munaasabaddaasi ka qayb galayana waxay ku soo labbisteen dharka hiddaha iyo dhaqanka u ah qowmiyaddaasi sida qofkan sawirka ka muuqdo oo ka soo jeeda gobolka Shawa.

Nin qowmiyadda ka tirsan oo ku labbisan mid ka mid ah hiiddaha ragga qowmiyaddaasi ku labbistaan

Dharka ay gabdhahan ku labbisan yihiinna badanaa waxaa xirata beesha Booranta oo qowmiyadda Oromada ka mid ah.

Dumar ku labbisan hiddaha qowiyaddaasi

Ninkan wuxuu ka yimid gobolka Baali oo Addis Ababa u jirta 400 oo Km si uu munaasabaddan uu uga qayb galo.

Rag ku labbisan dharka hiddaha u ah qowmiyaddaasi

Gabadhan dharka ay ku labbisan tahayna waxaa laga xirtaa bariga dalkaasi Itoobiya oo ay qowmiyaddaasi degto.

Dumar ku labbisan hiidaha qowiyaddaasi

Qowmiyadda Alaba oo ka tirsan qomiyadaha ku bahoobay shucuubta Koonfureed ayaa ka mid ah qowmiyadaha kale ee munaasabaddaasi ka soo qayb galay.

Nin u dhashay qowmiyadda Alaba oo xuskasi ka ciyaarayoLahaanshaha sawirkaREUTERS

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa isbeddello dhowr ah ka sameeyey dalkaasi tani iyo marki uu xilka qabtay, iyada oo munaasabadda Irrecha ay ku soo beegantay xilli ay xiisadda siyaasadeed iyo isku dhacyada beelaha dalkaasi ay aad u sarreyso sida uu sheegay wariyaha BBC uga so warranta Addis Ababa.

labbiska dhallinta qowmiyaddaasi

Sawirradan waxaa qaaday: Yadeta Berhanu (BBC ka tirsan), Amensisa Negera (BBC ka tirsan) iyo wakaaladaha Reuters and AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here