Dadaal Xayiraada Dhaqaalaha Lagaga Qaadayo Dalka Suudaan Oo Bilaabay.

0
355

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii dalka Suudaan uu Mareykanka uga saari lahaa wadamada maalgaliya argagixisada.

Qoraalkaan ayaa lagu shaaciyay bogga Twitter-ka ay ku leedahay wasaarada Arrimaha dibadda Sacuudiga kadib kulan axadii shalay ay wada qaateen boqorka Sacuudiga madaxa gudiga dowlada ku meel gaadhka ah ee Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan iyo raysal wasaare Cabdala Xamduuk.

 

 

Dowladda Mareykanka ayaa xukuumadda suudaan waxa ay saartay cunaqabateyn sannadkii 1993-dii kadib markii lagu eedeeyay madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir in uu maalgaliyo kooxaha Argagixisada.

 

Dowlada ku meel gaadhka ah ee Suudaan ayaa la dhisay bishii Agoosto ee sannadkan kadib dibadbaxyo muddo bilo ah qaatay oo xilka lagaga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo sodon sanno hayay Talada.

Wasiirka arrimaha dibadda suudaan Asmaa Cabdala ayaa bishii hore sheegay in dowlada cusub ay muhiimadeeda koowaad ay tahay sidii suudaan looga saari lahaa diiwaanka dalalka maalgaliya Argagixisada Caalamka.

Ugu danbeyn boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay qeyb libaax ah ay ka qaadan doonto sidii suudaan looga qaadi lahaa xayiraada dhaqaalaha aa saaran si sare loogu qaado kobaca Dhaqaalaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here