Boqollaal ah Qarabada Xubno Ka Tirsan Daacish Oo Ka Baxsaday Xero ku Taala Suuriya

0
316

Boqolaal ajaaniib ah oo lala xiriirinayo kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS ayaa ka baxsaday xero ku taalla waqooyiga Suuriya,xilli uu halkaasi ka socdo howlgalka ay wadaan militariga Turkiga,waxaa sidasai sheegay saraakiisha Kurdiyiinta.

Waxay saraakiisha sheegeen in dada xeradaasi ku jiray ay xoog ku soo jiireen albaabka xerada Ain Issa xilli goob xerada u dhaw uu dagaal ka socday.

Turkiga ayaa duulaan ku qaaday waqooyiga Suuriya oo ay ku sugan yihiin xoogaga Kurdiyiin.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay guriyahooda ka qaxeen islamarkana laga yaabo in tirada ay sare u sii kacdo.

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeeysay in ay Kurdiyiinta yihiin koox argagixiso ah islamarkana ay Turkiga doonayaan ay sameeyaan “goob ammaan ah ” oo dhan 30km gudaha Suuriya.

Xukuumadda Turkiga ayaa sidoo kale qorshaynaysa inay dib u dajin gudaha Suuriya ay uga sameyso in ka badan saddex milyan oo ah qaxootiga reer Suuriya ee imika Turkiga ku sugan.

Go’aankii madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray Suuriya ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin. Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

Dagaalayahanada Suuriya ee Turkiga ay taageraan ayaa door muhim ah ka qaatay howlgalka ka dhanka ah Kurdiyiinta

Xukuumadda Turkiga ayaa u arkta kooxda YPG in ay yihiin koox argagixiso ah.

Maxaa ka dhacay xerada Ain Issa?

Faahfaahinta baxsashada ayaan faahfaahin laga bixin,kooxaha la socodka xaaladda Suuriya ayaa waxay ku sheegeen tirada xeradaasi ka baxsatay 100 qof.

Balse saraakiisha Kurdiyiinta ayaa tirada ku sheegay 800 oo ay qaraabo yihiin xubno ajnabi ah oo IS ka tirsanaa.

Xerada Ain Issa ayaa waxaa ku jiray dad dhan 12,000 oo ah dadkii barakacay oo ay ka mid yihiin 1,000 haween iyo caruur isugu jira oo ajaaniib ah kuwaasi oo xiriir la leh kooxaha Jihaadiyiinta.

Mamaulka Kurdiyinta ayaa waxay sheegeen in xeradaasi imika”aysan cidna ilaalin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here