Suuriya : Labo Cadaw Isu Ahaa Oo U Saaxiibay Cadaw Cusub

0
364

Ciidamada Suuriya ayaa laga howl geliyey waqooyiga Turkiga si ay isaga caabbiyaan dagaalka Turkiga uu halkaasi ka wado iyaga oo heshiis la galay Kurdiyiinta si ay dagaalka isaga kaashadaan.

Warbaahinta afka xukumadda Dimishiq ku hadasha ayaa baahiyey iney dowladda ciidamada dalka Suuriya ka howl gelisay waqooyiga dalka uu Turkiga dagaalka ka wado.

Arrintan ayaa ka dambeysay marki uu Mareykanka go’an ku gaaray in ciidamadiisa haray laga saaro halkaasi deegaannada ay dagaalladu ka socdaan.

Turkiga ayaa toddobaadki hore weerar uu uga gol leeyahay xoogagga Kurdiyiinta ee xadka Suuriya ku sugan si uu ka nadiifiyo ku qaaday waqooyiga dalkaasi.

Waqooyiga dalka Suuriya ee ku teedsan xadka Turkiga uu la wadago waxaa gacanta ku haya xoogagga dimuqraadiyadda Suuriya ee SDF oo ay hoggaaminayaan kurdiyiinta, xoogaggaasi oo ah xulafada ugu muhiimsan uu Mareykanka halkaasi ku lahaa.

Iyada oo Turkiga uu halkaasi ka wado dagaal xooggan uuna ku qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo xadka ku taallo.

Inta uu Turkiga dagaalkaasi billaabay ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen tobannaan qof oo isugu jira shacab iyo dagaallamayaal labada dhinac ee dagaalamaya ka wada tirsan.

Axaddina saraakiil ka tirsan xoogagga Kurdiyiinta waxay sheegeen xerada Ceun-Cisa ay ka baxsaden 800 oo qof oo ka mid ah qoysaski iyo qaraabada dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee IS.

Weerarka uu Turkiga qaaday iyo ka bixitaanka Mareykanka uu deegaannadaasi ciidamadiisa kala baxay ayaa caalamka Muran ka dhalisay, maadaamaa ay xoogagga SDF ahaayeen xulafada reer galbeedka oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalka lagula jiray IS ee dalka Suuriya.

Balse, Turkiga ayaa dhankiisa kooxaha Kurdiyiinta ee gacanta ku hayo waqooyiga Suuriya ku tilmaamay argagixiso halis ku ah qaranimada dalka Turkiga dagaalkana uu u qaaday si uu abuuro aag ammaan ah oo kooxahaasi laga nadiifiyey waxayna ciidamada Turkiga gudaha Suuriya ay u galeen ilaa iyo 30 km.

Haddaba heshiiska muxuu yahay?

Maamulka ay kurdiyiintu hoggaaminayaan ee ka jira waqooyiga Suuriya ayaa sheegay ciidamada Suuriya in laga howl geliyey dhammaan xudduudda uu Suuriya la wadaago dalka Turkiga.

Iyada oo howlgelinta ciidamada Suuriya aagga dagaalka uu ka socdo ay xukumadda Dimishiq uga gol leedahay iney xoogagga kurdiyiinta ka caawiyaan iska caabbinta dagaalka uu Turkiga ku soo qaaday.

Ciidamada Turkiga iyo Mileeshiyaad Turkiga gacan saar la leh oo gudaha Suuriya ka dagaallama ayaa dagaal ay Kurdiyiinta ku qaadeen 2018-kii oo laba bilood socday waxay kurdiyiintu ka saareen magaalada Afrin.

Khariidadda Waqooyiga Suuriya

Presentational white space

Hase yeeshee heshiiskaasi xukumadda Suuriya kama aysan hadal.

Inkasta oo Madaxa SDF Mazloum Abdi uu sheegay heshiiska xukumadda Asad oo xulafa la ah Ruushka inaan kalsooni badan lagu qabi karin.

“Kuma kalsoonin ballanqaadyadooda. Si daacadnimo ah marka aan u hadlana wey adag tahay inaad ogaato cidda aad ku kalsoonaan karo” ayuuna sii raaciyey.

Maxaa keenay iney ciidamada Mareykanka ka baxaan aaggasi?

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu mar sii horreysay sheegay inuu Mareykanka 10,000 askari uu kala baxayo waqooyiga Suuriya xilli la filayey inuu Turkiga deegaannadaasi uu dagaal ku qaado.

Isaga oo sharraxaya xaalada halkaa ka jirta waa “lama-huraan”, wuxuu sheegay in SDF ay “indhaha ku haysay inay kala goyso heshiiska” dowladda Siiriya iyo Ruushka si looga hortago weerarka Turkiga.

Wuxuuna Mareykanka uu sheegay inuu go’aansaday inuu ka baxo waqooyiga Suuriya oo uu ku sii badanayey “khilaafka labada ciidan u dhaxeeya”.

Axaddina wuxuu madaxweyne Trump uu bartiisa Tweetarka uu ku qoray “waa fikir caqli badan” inaan dagaalkaasi qayb laga noqon isaga oo weli raaciyey, dagaallada ka socda Bariga Dhexe in laga qayb qaatana ay tahay khalad.

Turkiga guul intee dhan ayaa u soo hayatay?

Axaddi Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in ciidamadiisa durbadiba qabsadeen 109 kiilo mitir (42 mile oo isku wareeg ah) iyo 21 tuulo oo ka mid ah dhulki aan damacsaneyn inaan qabanno.

Wuxuuna warfidiyeennada u sheegay magaalada muhiimka ee Ras-al-Ceyn ee ku taalla xadka Turkiga oo ay gacanta ku hayeen xoogagga SDF iney gacanta ku dhigeen ciidamada Turkiga dagaalkana la iskala baxay magaalada gudaheed oo bannaanka magaalada uu ka socdo.

Mr Edrogan wuxuu sida oo kale sheegay iney ciidamada Turkiga isku hareeyeen magaalada Tal Abyad, oo jirta masaafa dhan 120 km.

Magaalooyinka Ras al-Ceyn iyo Tal Abyad-na ay ka mid yihiin magaalooyinka ugu muhiimsan uu Turkiga doonayo inuu gacanta ku qabto.

Maxay yihiin waxyeellada dagaalka ka dhashay?

Waxaa isa soo tiraya tirada dadka rayadka ah ee ku dhimanaya deegaannada xadka labada dal ku teedsan sida ay wararku sheegayaan:

  • In ka badan 50 qof oo rayad ah iyo 100 dabley oo ka tirsan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaa lagu dilay waqooyiga-bari ee Suuriya sida ay sheegtay SOHR
  • SDF waxay sheegtay dableyda laga dilay SDF iney yihiin 56 halka uu Turkiga tiradaasi ku sheegay 440
  • 18 qof oo rayad ah ayaa lagu dilay Koonfurta Turkiga, sida ay sheegtay dowladda Turkiga
  • Turiga waxaa kale oo uu sheegay 4 asakari oo ka tirsan ciidamada turkiga iyo 16 dableey oo ka tirsan maleeshiyaadka suuriya ee xulafada la ah Turkiga

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha bani aadaminimada ee UN -OCHA waxay sheegtay deegaannada ay dagaalladu k asocdaan iney ka barakaceen dad rayad ah oo ka badan 160,000, iyada oo tiradaasi l afilayo iney sii korodho.

Xaaladda IS waa sidee?

Dagaalka wuxuu ku sii ballaartay xerooyinka lagu haya xubnaha iyo dableyda ka tirsanaa ururka IS.

Axaddina saraakiil ka tirsan xoogagga Kurdiyiinta waxay sheegeen xerada Ceun-Cisa ay ka baxsaden 800 oo qof oo ka mid ah qoysaski iyo qaraabadi dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee IS.

Halka ay hay’ada xuquuqda aadanaha suuriya u doodda ee SOHR ay sheegtay dadka baxsaday tiradooda iney gaareyso 100.

Xerooyinkaasi oo ay lagu hayo in ka badan 12,000 oo qof o barakacayaal ah oo ay ka mid yihiin 1,000 qof oo dumar iyo carruur ajaanib ah isugu jira oo lala xiriiranaya kooxaha jihaad doonka ah?

SDF waxay gacanta ku hayaan 12,00 oo qof oo looga shakisan yahay iney IS ka tirsanaayeen, iyada 4,000 oo dadkaasi ka mid ahna ay yihiin ajanib.

Turkiguna wuxuu sheegay inuu qaadayo mas’uuliyadda macabiista IS oo uu la kulmo inta uu weerarka wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here