Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac Oo Isu bedelay Afhayeenka Maxamuud Xaashi

0
504
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac Oo Isu bedelay Afhayeenka Maxamuud Xaashi

Adduunka Maalinba wax cusub oo kaa yaabiya ayaad arkaasaaye, beryahan waxaa ka socdey baraha bulshada qoraalo ay faafinayeen dhalinyaro markii uu Maxamuud Xaashi Cabdi, ahaa
wasiir uu shaqaalaysiiyey, kuwaasoo baahinayey hadalo ay ku muujinayaan in Maxamuud Xaashi u qalmo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, oo waqtigan uu gudoomiye ka yahay
madaxweynaha qaranka somaliland Muuse Biixi Cabdi, gudoomiye kuxigeena uu ka yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.
Dhalinyaradan qoraalada Maxamuud Xaashi lagu taageerayo faafinaya waxay aamisan yihiin hal qodob oo ah in gudoomiye xisbi lagu noqdo facebooga, balse ma aaminsana in gudoomiyaha
xisbiga KULMIYE, loo maro jarajaro siyaaseed oo u baahan bisayl siyaaseed iyo aragti ku dhisan hoggaaminta qaranka somaliland.
Dadka waqtigan dhexda u xidhan faafinta iyo ii dhehda beenta waxaa ka mid ah Afhayeenka madaxtooyada somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo beryahan isu bedelay in uu noqdo
afhayeenka Maxamuud Xaashi. Waxaa si toosa loo arkaa afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac, oo u shirinaya dhalinyarada taageerta Maxamuud Xaashi iyo qaybaha
warbaaahinta si uu kugu wacyi geliyo ama ugu qanciyo taageerada Maxamuud Xaashi ee baraha bulshada ka socota.
Shaqada afhayeenka madaxweynaha qof ahi waxaa ku waajib ah in aanu la safan cid ka soo
horjeeda siyaasada madaxweynaha iyo ta qaranka toona, balse afhayeenka madaxtooyadu waxaa uu hoggaamiye u yahay koox dacaayado ku haysa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, taasoo lagu doonayo in la iska horkeeno xukuumadda iyo shacabkeeda, si culays loogu saaro in
Maxamuud Xaashi wax loo dhiibo, taasoo ah arrin Ayaan-darro ah in qof xilkaas muhiim ka ah
qaranka u hayaa uu madax u noqdo koox dacaayadaha dowlada iyo xisbiga KULMIYE faafinaya. Sidoo kale hab-dhaqanka afhayeenka madaxtooyada somailand, waa nidaam ku cusub haykalka
dowladnimo, in la arko shaqsi ka ololaynaya madaxweynihii afhayeenka ka dhigtay oo raba in uu afhayeen u noqdo qof suuqa jooga, balse la yaabi mayo Maxamuud Warsame Jaamac oo Maxamuud Xaashi baa Ceerigaabo ka soo kaxeeyey.
Balse waxaa ku waajib in uu ilaaliyo karamaada madaxweynaha qaranka oo uu joojiyo wararka beenta ah ee uu u faafinayo Maxamuud Xaashi. Gudoomiyaha xisdbiga KULMIYE, waxaa uu leeyahay salaan loo soo raaco, balse laguma helo gole ka fuul iyo ii dheh toona.
Waxaa iska cad in Afhayeenka Madaxweynaha somaliland uu si cad ula safan yahay Maxamuud Xaashi, isaga oo ku tumanaya shaqada uu qaranka u hayo, kuna tagri falaya awooda shaqo, taasoo waxyeelo ku ah madaxweynaha qaranka somaliland.
Nuur Maxamuud Xasan, nuur yare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here