Xildhibaan Mubaarik Bidhi ka mida golaha degaanka Burco Baq culus diray.

0
423

Baaq ku socda Cid kasta reer Burco uga gurmanaysa Xanuunka ku bahay Kuduudiyaha

Jimce Mubaarak Dhamaantiin Gobolki Togdheer halo soo duceeye marka hore xanuun Kuduudiye ayaa ku bahay dhiimashada la ogyahay iyo dhiimasada an la ogayn way jirta cidna ma dhaafin gurina ma dhaafin .shacabka Togdheer mar kasta alle ayan uga baryayna inu xanuunka ka dulqado.

Biliadam waxu qabanaya iska yar laakin hadi lagi tagi waayo bilxaqiiqan Togdheer ama Burco maanta waxaa uu ehela cidi usoo gurmata meel kasta reer Togdheer iyo Somalilandba gadhsiiya baqayga .

Annigo u naxaya dadkaygii Togdheer isoo doortay .waxan hore ugu diray baaq Madaxweynaha Somaliland iyo Wasirkisa Caafimadka Midna kama Jawaabin midna kama hadlin wasirka Cafimaadka Somaliland maba yaqan Burco siday egtahay waligina ma tagin melu maraya lama arag iminkana ma tagin waliba xanuunki waa si faafaya cidna kama tagin haday tahay madaxdhaqmeedki . haday tahay madax haday tahay dadkii danyarta ahaa haday tahay guri kasta .

Miyaynu aqbalna Burco looma Gurman

Miyaynu aqbalna Burco hala dawaadò subxanala.

Ugu danbayn waxan Baaq u diraya cidi kasta haday tahay Qaramada Midoobay iyo Cid kasta oo dadka u gurman karta .

Waa Maalin qiimo badan halo Duceeyo dadka Reer Burco in alle isaga gargar u fidin kare u ka dul qado xanuunka Kuduudiye.

Adunyadu waa giran wareegta
Maalinba bawdo rag midba qawan

Shacabka Somaliland Burco usoo gurmada.

Alle qof kasta waa waydiinaya masuuliyada u hayo waa igu waajib in dadkii isoo doortay an Umada islaamka iyò cidi u naxaysa dadkayga Baaq ugu diro.

Fadlan si gudbiya meel kasta share gareeya oo inta nagu cawiya

Waa aniga ka mida Golaha Degaanka Degmada Burco

Mubaarik Yuusuf Cilmi(Bidhi)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here