Dalka Jabuti oo loo gacan gelinayo masiirkii Somaliland.

0
473

 

Fiiro ha loo yeesho. Waxa Dalka Djabuti ka dhacay shir qarsoodi ah, oo ay isugu yimaadeen ergooyin ka kala socda Dawladda Somalia iyo Somaliland. Shirkaa waxa abaabulay Dawladda Djabuti, waxana uu socday saddex casho. Somalia waxa ka socday saddex qof. Waxa ka mid ahaa, 1. Amb. Abdullahi Sh. Ismail Guddoomiyihii Guddiga wada hadalada uu u magacaabay Farmaajo. 2.Wasiir ka tirsan Dawladda. 3. Xubin ka socota. Madaxtooyada Somalia. Dhanka Somaliland waxa ka yimi, 1. Wasiirka Arrimaha Debedda. 2. Adna Adan. 3. Xubin ka socota Madaxtooyada Somaliland. Dawladda Somaliland way qarisay shirkan, lakiin wax Somali badani ogyihiin ma qarsoomaan. Waxa iiga waramay wixii meesha ka socday, Saaxiibkay oo goob joog ka ahaa Shirka, kana socday dhanka Somalia. Wixii ay islahaayeen ka qariya Shacabka Somaliland, waxa aanu ka helay dhanka kale ee Somalia. Waxa aan aad uga xumaaday markuu igu yidhi, “Somaliland aad iyo aad ayay uga soo debecday mowqifkii hore ee gooni isu taaga, cadaadiska Djabuti saartay Muse awgii.” Waxa kale oo la ii sheegay in Muse, doonayo in dhaqaalihii Somaliland qaybteedii toos loo siiyo, sidii Siilaanyo loo siin jiray wakhtigii, Sh. Shariif iyo Hassan Sheekh. Waxa la ii sheegay in ay la yaab ku noqotay ergadii Somalia, in Wafdigii Somaliland uu codsaday in dhaqaalaha loo soo mariyo Djabuti, arrintaa oo ay wafdigii Somalia la yaabeen. Wafdigii Somalia oo ugu jawaabay ayaa ku yidhi, “Waxa aad leedihiin Dawlad baanu nahay, wixiinii yaraa ee aad qaybta u helayseena, waxa nooga muuqda in aad la doonaysaan in Djabuti aad u sii gacan gelinaysaan. Waar wixiina toos u qaata sidii Siilaanyo oo meelo aan la sii leexsanayn dhigta. Hantidani waa tii Shacbka Somaliland, ma laha Djabuti, maxaa idinka si ah.” Marka Somalia kaa waaniso in aanad hantidii Shacabkaaga u gacan gelin dal kale, waa yaab Aduun. Madaxwaynaha Somaliland, waxa uu haystaa dhalasho Djabuti ah. Waxa ay ku bixiyeen doorashadiisii hanti farabadan. Markaa waxa uu noqday, sidii Xabashi qaamoobay oo Djabuti u xidhan. Shirkan waxa lagu kala tegay in wada tashi dheeraad ah loogu noqdo Xamar iyo Hargaysa. Hore ayaa loo yidhi,

“WIXII LA QARIYO QUDHUN BAA KU JIRA.” DJABUTI MARNABA RAALI KAMA NOQON QARANNIMADA SOMALILAND. DHEX DHEXAADINTA DJABUTI, WAA DIBIN DAABYO AY LA DAMACSANTAHAY SOMALILAND. ILAAHAY SOMALILAND HA XAFIDO. AAMIIN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here