Sunday, April 28, 2024
Home Warar Filo Isku Shaandhayntii ugu balaadhnayd Madaxweyne Muse bixi sameeyo;

Filo Isku Shaandhayntii ugu balaadhnayd Madaxweyne Muse bixi sameeyo;

0
563
Goor dhow filo Isku Shaandhayntii ugu balaadhnayd ee Madaxweyne Biixi Samayn doono iyo Xilalka Hogaanka Ciidqnka Bilayska ee Banaanaaday oo soo dedejin kara Isku shaan dhayntaas iyo Wasiro iyo masuuliyin kale xilaalkooda waayi doonai.
Filashadda Isku Shaandhayntii ugu balaadhnayd

Filashadda Isku Shaandhayntii ugu balaadhnayd ee Madaxweyne Biixi Samayn doono iyo Xilalka Hogaanka Ciidqnka Bilayska ee Banaanaaday oo soo dedejin kara Isku shaan dhayntaasi.

Iyada oo Bulshadda reer Somaliland ku jirto ku dhawaad 36 saacadood ee u dambeeyey  Baroordiiqda Taliyihii Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan Geerida naxdinta lahayd ee Ku timid, Marka laga yimaado shacabka iyo Qoyska Taliye fadal uu ka baxay sidoo kale mudadaasi 36 Saacaddood ah waxa iyaguna Xaalad aad u adag waajahaaya Ciiddaanka Bilayska Somaliland oo hogaan la’aani ku timid.

ALLE ha u naxariiste Geeridda Ku timid Taliyhii Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo masuul qaranka Somaliland mudo dheer u soo shaqeeyey ahaa isla markaana Ku dhawaad 10 sanno ee u dambeeyey madax u soo ahaa Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa maalintii Shalay oo Sabti ahayd bishuna ahayd 2/11/2019_ka Aasqaran loogu sameeyey.

Dhinaca kale Taliye ku xigeenkii cusbaa ee Sareeyo Guuto Faarax Maxamed (Shiniile) oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay ayaa isagana xaalad caafimaad iyo Xanuun asiibay darteed loo dhigay Cusbitaal Hargeysa Ku yaala island markaana xaaladiisa Caafimaad laga dayrinayaa.

Maadaama oo Ciidanka Bilayska ee Somaliland ayaa 48 saacadood ee u dambeeyey waajahaaya Culays maadaama oo hogaankoodii u sareeyey Midna Geeriyooday kii kalena Bukaan dhakhtar uu u jiifo’ sida darteed waxa qasab ah in Madaxweynaha Somaliland uu hogaan cusub oo Taliye iyo Taliye Ku xigeen uu u soo magacaabo Ciidanka Bilayska Somaliland so ay hogaaminta iyo hagida hawsha qaran ee Bilayska u ski wadaan.

Ugu dambeyntii arintan Geerida Ku timid Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Ku xigeenkiisa cusbitaalka xaalada caafimaad loo dhigay ayey suurto gal yahay inay fududayso soona dedejiso Isku Shaandhayntii Mudada sheer at Shqcabka reer Somaliland u hanqaltaagayeen ee lava sugaayey Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi iyada oo suurta at yahay inay Isku Shaandhaynta ‘ Xilka Qaadista iyo magacaabista Somaliland noqon doonto tii ugu balaadhnayd ee madaxweyne Biixi sameeyo intii uu xukunka joogay mudada 2 da sanno Ku dhawaadka ah.

Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

%d bloggers like this: