Xildhibaanka Kaliya Ee Laga Hayo Xildhibaanadii Togdheer Xildhibaan Bidhi Ayaa Ka Dhiidhiyay Xanuunka KUDUUDIYAHA Ee Burco Ku Habsaday

0
369

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi Waxa Uu Kamid Ahaa 21 Xildhibaan Oo Golaha Deegaanka Ah Oo Magaalada Burco Laga Soo Doortay Waa Xildhibaanka Kaliya Ee Laga Hayo Xildhibaanadii Shacabku Haraadka Iyo Daalka Ku Doorteen 

Inkasta Oo Aynaan Hal Maqaal Kusoo Koobi Karin Waxqabad Yada Xildhibaankan Ayaa Waxa Uu Ka Dhiidhiyay Xanuunka Kuduudiyaha Oo Magaalada Burco Ku Habsaday 

Waxaana Uu Barta Uu Bulshadu Ku Kulanto Ee Faecbook Uu Kuleeyahay Uu So Dhigay Baaq Dheer Oo U Qoran Sidatan 

“Xanuunka Kuduudiyaha waxa lagula dagaalami kara halka biyo fadhiisida iyo halkay kaneecadu ku dhalanayso iyo nadaafada .

Geedka garanwaaga Burco aad ayuu ugu badan yahay oo kaneecadu ku gabanayso waa in la dabargooyo dawlada hoose oo kaliyana waxba kama qaban karto .dawlada dheexe oo kaliyana waxna kama qaban karto waa in dhamaanteen isu kashana .

Waa in la sameeyo meel xogta lagu uruuriyo iyo warkana laysku gadhsiiyo lana sameeyo wacyigalin badan sida loo kala qado.
Waa in la qada olaale lagu buufinayo Magaalada Burco.

Waxaa aad u mhima in dadka danyarta la gadhsiiyo dawooyinka meel kasta ku sugan yihin.

Waxaynu u bahanahay iskaashi balaadhan Dawladda Dhexe, Dawladda Hoose, hayadaha caalamka iyo kuwa dalka joogaba iyo Bisha cas oo hore noola shaqaysay iyo ururada dhalinyarada iyo ardayda jamacadaha togdheer iyo dalkaba , ganacsatadeena iyo qurbo jooga.

Waxa cawa ilaa soo xidhiidhay warbixina i siyay u mahadnaqaya Cabdilaahi oo ah Xog ururiyaha Wasaaradda Caafimaadka HMIS waxa u ii sheegay inay dawooyin u rari doonan beri magaalada Burco sido kale i sheegay inu shir jiro isugu iman doonan hayadaha iyo wasaradaha iyo hayadaha masiibooyinka ku shaqada leh isla markana lagaga hadli doono xanuunkan Kuduudiyaha iyo Dufaanada la sadalinayo inay inagu soo fool leh

Waxan Saka la hadlay Golaha Degaanka Degmada Burco oo ka tirsan ahay iyago kalfaadhi fadhiiya layslana qatay in wax laga qabto geedka garanwaga magaalada ku badan iyo biyo fadhiisanada iyo nadafada uga shaqayn lahayn oo labanlaabi lahayn insha alla

waxan rajeynayna in lays kaashado oo xanuunka lala tacalo.

Waxan u mahadnaqaya Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi oo u dhaga nugul markasta dadkiisa oo wakhtiigi daadadki xooga ahaa waxyeleeyen Labada Birish magalaada Burco isla markiiba ka soo jawaabay baaqi Reer Togdheer bixiyayna markiiba lacagt ku baxaysay labada Birish oo ahayd 530 000 Dolar.

Waxan rajaeynana in Wasirka Caafimadka oo madaxweynuhu u igmaday Caafimadka Dalka oo inti Xanuunka Burco haleelay an tagin Burco inu iman doono Burco insha alla.

Waxan si gara ugu mahadnaqaya dadki talooyinka fiican naga siyay xanuunkan iyo cid kasta ka soo jawaabtay Baqi an diray iyo wasiru dawlahi Caafimadka Somaliland dawladi Silaanyo Maxamuud Jamac Galaal oo ka mida dadka ka damqaday masiibada Xanuunka Burco meelo badan la xidhiidhay iyo dhamaan dadkii ducooyinka badan nagu tageeray aad iyo aad ayaa u mahadsan tihin.

Alle ayaa kena waxkasta isaga oo kaliya ayaa inaga cawin kara sidi xanuunka Shacabka Burco ku habsaday inooga qadi lahaa

Alle ayan markasta kalmo waydiisanayna

Alle ayan ka barayayna inu xanuunka kuduudiyaha nagala tacalo.

Afeef” Waxa dad badan laga yaba inay yidhaahdan Dawlada Hoose Burco ha hagaajiso nadafada Magaaladana ha buufiso garanwaagana ha jarto intuba waa run diyaarna waa u nahay balse waa wax naga baladhan dhamaanteen aynu iskaashano .xanuunkan Dawlada dhan oo la ictirafsan yahay ayaa looga soo gurmada marka aynu isu kashano dawlad hoose .dawlad dheexe iyo qurbajooga iyo ganacsatada Somaliland oo dhan iyo hayadaha Caalamiga iyo kuwa dalka joogaba

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidh)

Golaha degaanka Degmada Burco

 

QoryaaleNews.Net@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here