Dagaalka Israel Iyo Gaza Oo Dib u Qarxay Ka Dib Dilka Hoggaamiye Sare

0
273

Israel ayaa duqeymo cusub ka fulisay magaalada Gaza xilli dagaalyahannada Falastiiniyiinta ahna ay xoojiyeen weerarrada gantaallada ah, ka dib markii la dilay hoggaamiye sare oo reer Falastiin ah.

Mas’uuliyiinta Israel ayaa sheegay in ciidamadooda cirka iyo kuwa dhulkaba ay garaaceen fariisimo ay leedahay kooxda Falastiiniyiinta ah ee lagu magacaabo Islamic Jihad.

Dhinaca kalena, ilaa 150 gantaal oo aargoosi ah ayaa lagu riday qeybo ka mid ah Israel.

Qalalaasaha ayaa cirka isku shareeray markii ay Israel duqeyn ku dishay Baha Abu al-Ata, oo ahaa abaanduulihii ugu sarreeyay kooxda Islamic Jihad. Afar kale oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la dilay.

Warbaahinta Israel ayaa tabisay in hal nin oo reer Israel ah uu ku dhaawacmay gantaallada ay Falastiiniyiintu tuureen.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka digay inay sii xoogeysan karaan xiisadaha kala dhaxeeya kooxaha mintidiinta ah ee ku sugan magaalada Gaza.

Maanta oo dhan waxaa socday isku dhacyo ka taagnaa xadka Gaza. Iskuullo badan ayaa albaabada la isugu dhuftay dhinaca Israel.

Maxaa ugu dambeeyay?

Smoke rises above Gaza City after an Israeli air strike (12/11/19)Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionIsrael carried out waves of air strikes on what it says were PIJ sites in Gaza

Ciidamada milatariga Israel ayaa qaaday mowjado weerarro ah oo socday maanta oo dhan, waxayna sheegeen inay la beegsanayeen saldhigyada kooxda Islamic Jihad.

Goobaha la duqeeyay mid ka mid ah ayey ku sheegeen inay ahayd xarun lagu tababari jiray dagaalyahannada Falastiiniyiinta. Sidoo kale waxaa la burburiyay keydad hub oo ku yaallay Gaza, sida ay sheegeen taliska milatariga Israel.

Saddex Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay waqooyiga Gaza, mid ka mid ah duqeymahaasna waxaa lala beegsaday koox diyaarineysay gantaal lagu tuuri rabay Israel.

.

Gudaha Israel waxaa laga daaray dhawaaqa digniinta gantaallada, dad badan ayaana ku cararay goobaha looga nabad gali karo waxyeellada. Boqollaal kun oo ka mid ah dadka reer Israel ayaa ka baxay guryahooda si ay u galaan meelaha gabbaadka ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tobannaan qof oo ay gantaallada Gaza laga soo tuuray waxyeelleeyeen ayaa lagu daweeyay isbitaallada.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in isbitaallada la dhigay 30 qof oo ku dhaawacmay duqeymaha Israel.

Presentational grey line

Falanqeyn – Waa kuma al-Ata

Waxaa diyaariyay Tom Bateman

.

Baha Abu al-Ata wuxuu Gaza kasoo caan baxay sanadkan, ka dib markii uu la wareegay hoggaanka ugu sarreeya ee ciidamada kooxda la magac baxday Islamic Jihad, gaar ahaan garabka al-Qudus ee ka dagaallama waqooyiga iyo bariga marinka Gaza.

Hase ahaatee wuxuu waayadii dambe qaadan jiray go’aanno ka madax bannaan kooxda ugu weyn Falastiiniyiinta ee Xamaas, isagoo amar ku bixin jiray in gantaallo lagu rido Israel kadib markii ay ciidamada Israel toogasho ku dhaawaceen tobannaan qof oo Falastiiniyiin ah.

Wariye ka tirsan TV laga leeyahay Falastiin ayaa dhawaan isagoo hawada ku jira ka digay in ninkan ficilladiisu ay horseedi doonaan inay Israel isku daydo dilkiisa.

Hadda waxaa qarka loo saaranyahay in xaaladdu ay faraha kasii baxdo, inkastoo Israel ay dadaal ugu jirto inay Xamaas u caddeyso inaysan dib usoo celinin weerarradii bartilmaameedyada dilka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here