100-kii Qqarax Ee Sweden Ka Dhacay Sanadkan: Maxaa socda?

0
371

Bishii lasoo dhaafay markii ay saddex weerar hal habeen gudihiis ka dhaceen meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada caasimadda u ah dalka Sweden ee Stockholm, waxay layaab ku noqotay shacabka halkaas ku nool. Waxay qaraxyo noocaas ah ka dhacayeen magaalooyin kale oo nawaaxiga ah, laakiin waligood bartamaha caasimadda ma aysan soo gaarin.

Ciidamada booliska ee dalka Sweden ayaa hadda la tacaalaya weerarro laga cabsi qabo inay ka dhacaan bartamaha magaalada caasimadda ah iyo tuulooyinka ku dhowba.

Khubarada bambooyinka ee ciidanka ayaa loogu yeeray inay wax ka qabtaan ilaa 97 walxaha qarxa ah sagaalkii bilood ee ugu horreysay sanadkan.

“Halkan ayaan ku koray aniga waxayna hadda u muuqataa in deegaanka uu qalalaase ku batay”, sidaas waxaa yiri Joel oo 22 jir ah.

Yaa eedda la saarayaa?

Fal dambiyeedyadan lagama aqoonin Sweden sanadkii 2017-kii. Kadibna, sanadkii 2018-kii waxaa jiray 162 qarax, halka labadii bilood ee lasoo dhaafayna khubarada bambooyinka loogu yeeray ilaa 30 qarax.

“Bambooyinka gacan ku sameyska ah, kuwa wakhtiga lagu buuxiyo iyo bambo gacmeedyada” ayaa loo adeegsaday inta badan qaraxyadaas, sida ay sheegtay Linda H Straaf, oo ah madaxa laanta sirdoonka qaranka ee Sweden.

Waxaa la weeraray 17-kii bishii October

“Weerarradan waxaa inta badan fuliya kooxo burcad ah, iyagoo ujeeddadooduna tahay si ay u cabsi galiyaan kooxaha kale ee ay iska soo horjeedaan, ama saaxiibbadood iyo qoysaskooda”, ayey tiri Straaf

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey intaas ku dartay: “Arrintan aad bay khatar u tahay, laakiin dadka intooda badan ma aha inay walwalaan, sababtoo ah iyaga saameyntu masoo gaareyso”.

Kooxo ka tirsan ciidanka booliska ayaa loo diray si ay ula soo shaqeeyaan khubarada ku takhasustay la tacaalista dambiileyaasha ee dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo Netherlands.

Sidoo kale waxay kaashanayaan ciidanka milatariga Sweden ee lasoo tacaalay qaraxyada Africa iyo Afghanistan.

“Waa xaalad ku cusub Sweden, sidaas awgeedna waxaan cilmi lagula tacaalo u doonannay caalamka”, ayuu yiri Mats Lovning, oo ah madaxa howlgallada amniga qaranka ee dalkaas.

Amir Rostami, oo ku takhasusay cilmiga baarista dambiyada, wuxuu qabaa in waddanka kaliya ee hadda la barbardhigi karo Sweden, marka loo eego dhinaca faldambiyeedyada, uu yahay Mexico.

“Waa arrin khaas u ah dalalka qaar, gaar ahaan waddamada aan lahayn taariikhda dagaallada ama aysan dhaqdhaqaaqyada ka sameynin kooxaha argagixisada”, ayuu yiri.

Xagey ka dhacaan qaraxyadu?

Inta badan weerarrada noocaas ah waxay ka dhacaan xaafadaha ay daggan yihiin dadka uusan dhaqaalaha badan soo galin, ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Stockholm, Gothenburg iyo Malmo.

Horaantii bishan, magaalada Malmo oo kaliya waxaa 24 saac gudahood ka dhacay saddex qarax.

Balse meelo kale oo ka baxsan magaaladaas ayaa hadda loo bartilmaameedsadaa sidaasoo kale. Qarax bishii lasoo dhaafay ka dhacay xaafadda Bromma ee waqooyiga caasimadda Stockholm ayaa burburiyay albaabka laga galo dhisme ay dad badan ku nool yihiin. Wuxuu sidoo kale burburiyay muraayadaha daaqadaha iyo gawaarida.

Presentational white space

Nin 20 jir ah oo waddada marayay ayaa isbitaalka lagu daweeyay kadib markii ay waxyeello kasoo gaartay bambo lagu weeraray dukaan ku dhex yaalla jaamacad taariikhi ah oo ku taalla magaalada Lund. 25 ruuxna waxay ku dhaawacmeen weerar lagu bartilmaameedsaday dhisme ku yaalla bartamaha magaalada Linkoping.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo xiray qaraxyadaas, booliskuna wax faahfaahin ah kama aysan bixinin ujeeddada laga lahaa.

Waa ayo kooxaha dambiileyaasha ee Sweden?

Saraakiisha taliska booliska ee waddankaas waxay sheegeen in dambiileyaasha falalkaas geysta ay qeyb ka yihiin hal koox oo sabab u ah sare u kaca dambiyada lagu geysto hubka, badanaana waxaa lala xiriiriyaa inay daroogo isticmaalaan.

.

Swden waxaa sanadkii 2018-kii gudihiisa ka dhacay 45 toogasho oo dhimasho sababay. Tiradaas waxay aad uga yartahay toogashooyinkii dalkaas ka dhacay sanadkii 2011-kii oo ahaa 17.

Laakiin wali ma cadda sababta ay kooxahan falalkooda ugu soo dareen qaraxyada.

Booliska Sweden ma shaaciyaan halka ay asal ahaan kasoo jeedaan shakhsiyaadka dambiyada lagu qabto ama ay maxkamadaha xukumaan.

Maxay sameynayaan laamaha amnigu?

Boolisku waxay sheegeen inay isku dayayaan sidii ay usoo qaban lahaayeen dadka ka dambeeya qaraxyada, hase ahaatee, 10-kiiba hal ka mid ah dambiyadii dhacay sanadkii 2018-kii ayaa laga sal gaaray, lana soo qabtay dadkii ku lugta lahaa.

Mdaxa howlgallada qaran ee amniga ayaa ballan qaaday inay waaxdiisu sii kordhin doonto wadashaqeynta ay la wadaagto booliska.

Wasiirka arrimaha guriyeynta ayaa isagana laamaha amniga u kordhiyay awoodda ay ku baari karaan guryaha lagu tuhmo kooxaha dambiileyaasha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here