Dowladda Britain Oo Lagu Dhaliilay Qaabka Ay U Wajahday Fataahadda England

0
361

Hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ee Labour iyo Lib Dems ayaa xukuumadda Britain ku dhaliilay qaabka ay u maarayneyso dhibaatada ka dhalatay daadadka ba’an ee ku dhuftay waqooyiga England.

Jeremy Corbyn iyo Jo Swinson ayaa sheegay in falcelinta dowladdu tahay mid laga naxo, loona baahan yahay in mustaqbalka fog qorshe wanaagsan laga yeesho daadadka.

Labada hogaamiye ayaa ugu baaqay ra’iisal wasaare Boris Johnson inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo ku aaddan fatahaadda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shir gudoomiyay kulan xasaasi ah oo ay xukuumaddiisu ka leedahay fatahaadda waqooyiga England, waxaana uu ballanqaaday in la caawin doono dadka ay fatahaaddu saamaysay.

 

Hay’adda deegaanka u qaabilsan Britain ayaa bixisay 30 digniin oo ku aaddan fatahaadda iyo weliba shan digniinno culus oo ku saabsan webiga Don ee Koonfurta Yorkshire.

Ku dhawaad 500 oo guri oo ku yaal Doncaster ayay biyuhu galeen, halka in ka badan 1,000 guri oo kalena laga daadguureeyay dadkii ku noolaa.

Gurmad si degdeg ah loogu kaalmeynayo dadka ku barakacay fatahaadda ayaa waxa lagu ururiyay lacag ka badan 85,000 oo Pound.

Dadka fatahaadda ku barakacay ayaa waxaa kamid ah boqolaal qof oo ku nool deegaanka Fishlake oo u dhaw Doncaster, kadib markii ay biyaha qaadeen gebi ahaanba tuuladaasi.

Fataahadda ayaa ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo todobaadkii hore ka da’ay dhowr deegaan oo waqooyiga England ah, iyadoo meelaha qaar uu roobkii ay bisha heli jireen maalin gudaheed ku da’ay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here