Taladii Muuse Haddii Ay Sidan Noqotay Tii Shacabku Meeday?

0
310

Siyaasi kasta oo han leh halka u sarraysa ee uu hiigsadaa waa kursi madaxweyne.

Gaadhidda kursigaas jid walba waa uu u maraa oo uu ku gaadhi karo. Maalinta uu hanto kursiga u sarreeyo ayaa shakhsiyadda siyaasigu soo daahirtaa. Waxa uu dareemaa in uu karaamadii ummadda oo dhan huwaday oo dusha ku qaatay. Waxa u muuqata dalka oo dhan in uu isagu matalayo oo u yahay muraayad, sidaas awgeed habdhaqankiisu waa uu ka duwanaadaa sidii uu ahaa markii uu kursiga u soo jihaadayay. Garawshiiyahaas mansabku sabab u yahay ee meeqaamkiisii qurxiyay ayaa haybad huwiya oo shacabkiisa na ku dhalisa in ay qaddariyaan ka na dambeeyaan. Isleegtaa heliddeedu waxay ka unkantaa dhanka madaxweynaha ee ma aha dhanka bulshada, waxqabadkiisa iyo fahanka mansabka uu madaxa saaray iyo milgaha ku ladhan ayaa dhalisa in shacabkiisu maamuusaan. Madaxweyne gartay xilkii loo doortay ayaa dhasha maamuus shacab.

Madaxweyne Muuse oo talada dalka laba sano ka hor loo dhaariyay weli wax aad mooddaa in aanu kursigii ba gaadhin. Madaxweynaha waxa looga fadhiyay in uu dalka dhaqaajiyo oo buuqii olalaha ka saaro, ummadda dhan u wada jiheeyo, golayaashan is ka fadhiya ee meesha ku baaliyoobay dhan uun u dhaqaajiyo, waayaha cusub iyo sabanka la marayo u fahmo in ay ka geddisan yihiin taariikhdii tagtay oo garto in lagu jiro casri wax walba is beddaleen, dadkii, dalkii iyo adduunkii kale ba, ku dhaw iyo mid dheer ba sidii hore ayna ahayn. Ma ay ahayn in uu madaxweynu tubtii iyo toorihii uu hayay ku taagnaado. Madaxweynayaasha waxa lagu yaqaan marka ay kursiga ku fadhiistaan in ay is beddelaan oo is debciyaan se odayga weli madixiisa kama ay bixin darbadihii ka soo gaadhay mucaaridnimadii dheerayd iyo tantoobooyinkii siyaaasaduhu ku soo dhufteen. 

 Labadaa sano ee uu talada hayay wax alla wax uu dhaqaajiyay oo hagaagsan ma jiro. Is xilqaankii madaxweyne weli laga ma hayo. Taa beddalkeeda waxa uu u muuqdaa in uu weli is ka yahay sidii uu ahaa maalintii uu tartamayay. Ficiltan iyo difaac buu weli ku jiraa madaxweynuhu. Dawladdii uu dhisay iyo dadka uu wax u diranayaa badi waa bilaa tayo. Mid aad ku faraxdo sida uu u wado masuuliyadda uu hayo waa naadir. Isagii masuuliyiintaa dadka u adeegaya la xisaabtami lahaa waa kan weli isu haysta nin shacab ah ee maalin walba ku khudbadaynaya talo ayaynu isugu imanaynaa. Isu ma ba haysto in taladii ummaddu isaga madaxa u saran tahay. Xataa haddii la la taliyo aqbalkeen iyo arrinkeen midna ma aha. Gabigiisu ba wuxuu dhaafi la’ yahay guddi doorasho oo mid lagu daro iyo yaan lagu darin, kan ha la beddalo iyo ha la daayo. Hebelkaas ayaa hadlee hebelow u jawaab.

Dulqaad ma leh, tanaasul ma leh, garqaadasho ma leh, tiim tayaysan oo dalka la maamula oo wax ka dhaadhiciya ma wato, dhan aad ka jamato arki maysid. Dalkii ba indhaha ayuu isku qabsaday, dhaqaalihii yaraa wuxuu noqday wax kooxda uu u tunka weyn yahay leexsatay iyo wax ganacsato dhiigmiirato ah kooto loogu xidhay.

 

  Mar haddii ay sidaa u ekaaday taladii dalku, goloyaashii wax ka qaban lahaa na jeebkii xukuumadda galeen, xisbiyo mucaarid ah oo hagaagsan la waayay, waxa waajib ku ah shacabka in aanu is ka daawan, bulshada qaybeheeda kala duwan in ay is abaabulaan. Waa in xarumaha waxbarashadu iyo jaamacaduhu bayaanno soo saaraan oo ayna indhaha ka qarsan waxyaalahan dalka ka socda. Dhallinyarta dalka u soo kacaysa ee mustaqbalka rajaynaysaa gaar ahaan inta waxbaratay waa in ay isha ku hayaan xaalladda dalku marayo iyagoo is ku duuban dhan u wada jeestaan. 

Mid na ha la fahmo, dalka xukuumad baa ka talisa, waa laga gudbay maalintii ololaha ee xisbiyada la kala jiidanayay. Hal nin ayaa dalka madaxweyne ka noqday ee ayaan xal laga sugin xisbiyo fadhiida oo NGO-yo is ka noqday masuuliyadii saarnayd na garan waayay. Madaxweynihii hadii uu taladii qaranka ku fashilmay oo buuq iyo wareer weli laga bixi la’ yahay oo dhinac walba jabhado ka abuurmeen dalka ha loo gurmado.

W/Q Muxiyadiin Axmed Xasan

Kuwait

inahabado@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here