Xageebuu Muuse Waddankii, Kuwadaa? W.Q Abdiqani Salaf

0
343
Illaa iyo intii uu Muse Biixi dalka qabsaday Somaliland hoos ayay usii socotaa halka

 dhigeeda Somalia ay kor xawaare ugu socoto. Marka dib loo eego heerarkii kala duwanaa ee Jamhuuriyadda Somaliland soo martay waa markii koowaad ee dowlada Somalia ka badiso jamhuuriyadda Somaliland.

Waa markii koowaad ee Somaliland lagala wareego maamulka hawada Somaliland ee ay sitoosa laynooga faro maroojigmyo waa markii koowaad ee ay somaliya ku guulaysato inay Somaliland shiiqdo oo dib ugu noqoto raadkeedii meeqaamkeediina hoos uga dhacdo. Waa markii koowaad ee mucaaridka Somaliland iyo xukuumadu intay heshiin kari waayeen caalamku dhexgalo.
Inkastoo siyaasadda arimaha dibadu hoos usii dhacaysay dhamaan waqtigii Kulmiye marka loo eego halkii ay maraysay arimaha dibadu waqtigii #Rayaale xukuumaddii #Udub hadana sida ay maanta tahay xaalada dalku dhamaan way dhaantay halka uu maanta marinayo muse Somaliland. Hadalkii qiimaha badnaa ee dardaarankii #Daahir_Rayaale ee ahaa (dal midaysan iyo dad midaysan ayaan idinku wareejiyay Kulmiyow) waad ogtahay Somaliland halkay maanta marayso.
Waa markii u horaysay ee gudaha Somaliland ay ka dilaacaan jabhado afar gaadhaya oo hubaysan intii kadanbaysay dagaalkii sokeeye  ee uu sababta u ahaa #Muuse_Biixi waqtigii uu wasiirka gudaha ahaa. Waa markii koowaad ee dadka reer  Somaliland ka baqayaan in dagaal sokeeye qarxo kadib laba sabo oo cadaalad daro, dulmi, qaraabo kiish, musuq baahsan, cabudhin, iyo xadhiga saxafiyiinta, boobka dhulka iyo hantida danyarta maamul xumo, kalidii talisnimo iyo dhagaysi la’aan iyo tudhaale la’aan, ka muuqata madaxweynaha.
Madaxweyne ciilqaba ah oo aarsanaya oo doonaya markasta in isaga loo tanaasulo ayaa dalkii halkaas gaadhsiiyay laba sano oo kaliya dadka ku xeel dheer falaqaynta arimaha geeska ayaa sheegaya inuu noqon doono #Muse_Biixi madaxweynihii ugu danbeeyay  somaliland mida imikana wuxu caadaystay jabinta shuruucdii  dadalka uyaal.
 hada waxa ugu danbeeyay komishankii oo si sharci daro ah uu kusoo doortay xisbiyahan hadana iyagoo lix ah oo dastuurku sheegay in todoba la horkeeni karo golaha halka uu isagu lix horgeeyay sibadheedha isagoo ku jeesjeesaya shacabka qaranka jecel hadaba Somaliland halkay usocoto waynu aragnaaye maxaan ku badbaadin karnaa?
Allah Mahadleh
Abdiqani Salaf.
realcabdiqani@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here