Kooxda Al-Shabaab oo Magaalada Muqdisho abaabuleysa weeraro ka dhacan .

0
318

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan weeraro ay qorsheyneyso in Caasimada ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Cumar Filish ayaa sheegay in aysan suuragal noqon doonin weeraradaasi, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in waqtigaan lagu jiro Al-Shabaab ay ku dhiiradaan inay weeraro ka fuliyaan magaalada Muuqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka hortagi doonaan weeraradaasi ciidamada ammaanka dowladda oo hadda ku jira heegan buuxa.

“Waxaa nasiib-darro ah waqtigaan lagu jiro in Shabaab ay ku dhiiradaan inay weeraro ka fuliyaan Muqdisho, mana ahan mid u suuragaleyso mana ismahdin doonaan waana hami waalan waana kala eryi doonaa ayuu yiri.” Guddoomiye Cumar Filish.

Dhinaca kale duqa Muqdisho ayaa ka dalbaday shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga dowladda oo muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey howlgallada lagu sugayo amniga xaafadaha ku yaalla magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu soo bandhigay rag la sheegay inay weerareen goob laga ilaaliyo xarunta degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here