Soomaalidu Waxay Adduunka Ku Hogaamiyaanba Garnaqsigaa Jira. Muse Yaau Sheega.

0
357

Madaxweyne Muse inuu Madaxtooyada hoosteeda inuu ku garnaqsadaa bay ahayd  oo loo xill qariyo dhibaatada hogaaminta ka haysata imika isagoo laga garjoogo oo Wadankii horuu wad la yidhi la meeraysanaya ayuu  dumarkiyo caruurtii  gar laga leeyey la horimanayaa.

 

Waxaynu u soo wada joognay in laba sano  Gudidii Doorashooyinka dhammaantood la isku haystay Xukuumadda iyo xisbiga wadani QAARKOOD LA ISKUMA HAYSAN EE KOMISHSNKOO DHAN BAA LA ISKU HAYSTAY , WUU OGYEY MUSE. ka dib markii  buugaagtii doorashooyinka suuqa ay ku qaybiyeen iyagoo bilaa xaxiixa oo qaar la qabtay qaar lagu fooday gobolada dalka, in muraaqibiintii Xisbiga Wadani iyo hooggaankii wadaniba qaar la xidhxidhay ,la garaacay sanduuqyadii la kala shushubay oo toban cisho meelo gaara lagu haystay, in dad dhintay kaadhakoodii lagu fooday in caruur toban jiro ah oo foodaysa la soo sawiray waxaa iyo wax ka badan lagu soo caddeeyey oo eedeeyey komishankii hore dhammaantood oo inay dhan Xukuumadda iyo Xisbiga Xukuumadda la ahaayeen la soo cadeeyey. Laba sano ayaa  todobaddaa xubnood la isku haystay wadanka gudihiisa iyo caalamkuba gartooda wuu galay, todobaa Xubnood in la bedelo ayaa la kala  saxeexday  ,todobada badhkood lama kala saxeexan (GARI ALLAY TAQAAN MUUSAW) aakhirkii  sidii baa arintaa laba sano ka dib meel loo saaray. SOMAALIDU WAXAY ADDUUNKA KU HOGGAAMISAA WAA GARTA OO AY AAD  U TAQAAN .HARGEYSA OO QUDHA MAALINTII KUN GAROOD IN KA BADAN BAA  KA DHACA, BURCONA HADALKEEDABA DAA.

HADDAAD SUUQA KHUDAARTA HARGEYSA MAANTA  TAGTO WAXAAD ARKAYSAA  SIXAARAD TAMMAANDHO AH OO QUDHUNTAY OO DUKAANKII BEER WALIHII KU CELIYEY OO LA ISLA QAATAY IN SIXAARADDA AAN BULSHADA CUNTO LOOGU DARIN EE LA CELIYO OO LA DAADIYO. HADDUU BEER WALUHU SIXAARADDII QUDHUNTAY GACANTA GELIYO OO TAMMAANDHADII QUDHINTAY DIB U SOO CELIYO QAAR LAGA YEELIMAAYO WAA SIDOO KALE GABADHAN UU MUSE SOO CELINAYAA WAA SIXAARADDII LA CELIYEY BAY KA MID AHAYD. INANTU SIDDI MULDHUKH MAAHA.

Muse garxumadiisa wuxuu u dhigayaa sidii Komishan waqtigiisii caafimaad qab ku dhammaystay oo badh lasoo celin karo sidaa maaha Komishanku waa kii todoboqol oo BOG laga qoray ee labo sano la isku haystay ee uu saxeexay oo ( between the lines) bay ku qorantay inaan mid laga soo  celin waayo laba sano ayaa la isku haystay.

 

Muse waxaa  cad inaan cidi  la talin  waayo xusbigiisa iyo reerkiisaba dad akhyaar ah oo indheer garada oo mutacalimiina ayaa ka buuxa oo sidaa  la gar tag may yidhaahdeen OO MICROPHONE   KA FUUL. Madaxwejne Muse hoggaa uu ku dhacay xagga maamulka iyo bulsho hogaaminta waxaa ku riday Siilaanyo iyo Amina Weris waayo (bus lane) ka ayey soo mariyeen OO gawaadhidii bay toos u soo dhaafiyeen la tartamaysay, markay  diideen  inuu Maxamed BIIXI Yoonis uga boobeen Gudooniyanimadii iyo Murashax nimadii.

Imika wadanku meel uu u wado lama yaqaan gar kasta iyadoon laba gelin buu  waayayaa oo cidla bannaan buu fadhiyaa maanta. Doorashona sidan ku dhicimayso ee jabhadaa samaysmayaa qabaaila shiraya. Duqa  Kulmiye Sudan dawladnimo kuma  damacsanee MUXUU DOONAYAA MUXUU DOONAYAA.

 

M BASHE

qoranebashe@gmail.com

AFEEF:

Qoryaalenews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale qoran . Qoraaga ayaa xumaanteeda iyo Wanaageda leh. xushmadeeda iyo xilkeeda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here