Dowlad Ka Tirsan Yurub Oo Dayuurad Gargaar Sida Ka Soo Dejisay Muqdisho

0
365

Dowlad Ka Tirsan Yurub Oo Dayuurad Gargaar Sida Ka Soo Dejisay MuqdishoDiyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku saameeyeen qeybo ka mid ah dalka ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Gargaarkan ayaa waxaa ku deeqay dowlada talyaaniga wuxuuna ka kooban yahay cuntooyin nafaqo leh, dawooyin, bustayaal teendhooyin iyo waxyaabo kale.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo ku sugan garoonka Aadan cadde ayaa danjiraha talyaaniga u fadhiya dalka ka gudoomay deeqdan.

Talyaaniga ayaa noqonaya dowladii ugu horeysay Yurub ee si toos ah dalka u keenta gargaar loogu talo galay dadka ay saameynta ku yeelatay fatahaadaha iyo roobabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here