Shirkada Dp-Word Oo Shaacisay Horumarka Ay Ku Talaabsatay Dekeda Weyn Ee Berbera

0
338

Shirkada Dp-Word Oo Shaacisay Horumarka Ay Ku Talaabsatay Dekeda Weyn Ee Berbera

Shirkadda DP World ayaa shaacisay inay ka go’an tahay inay dekedda Bebera ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigto midcasri ah oo heer caalamiya.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu daabacay East African Business Week, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka
Somaliland (SOLNA). Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico BanosLinder, ayaa sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekeddaugu weyn, isla markaana ugu muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika.

 

Mr.Federico Banos-Linder wuxuu caddeeyey in ay dhammaytireen wejigii koowaad ee casriyeynta dekedda Berbera, islamaraana ay hadheen laba qaybood oo kale.

Sarkaalka u hadlay DP World wuxuu sheegay inay Boqolkiiba Konton Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda

Berbera, halka ay Boqolkiiba Toddobaatan isbeddel weyn lagu sameeyey adeegyada marsaddaas.

“Waxaanu dhammaystirnay wejigii koowaad ee dib u habeynta marsadda Berbera, oo ka mid ah saddexda qaybood eecasriyeynta dekedda Berbera.

Waxaanu kordhinay Boqolkiiba Konton shixnada Kontiinarrada. Waxa kaloo aanu boqolkiiba
Toddobaatan hirgelinay horumar weyn oo laga fuliyey dekedda Berbera,”ayuu yidhi Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda uqaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-LindeWaxa kaloo uu intaas ku daray in dekedda Berbera ay sannadkii dhoofi doonaan 4 Milyan oo xoolo ah,waxaanu tilmaamay in
muddo sannad ka yar ay dhoofiyeen 1.5 Milyan oo xoolo ah,waxaanu masuulkaasi sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey
shirweynihii lagaga hadlayey maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Nairobi.

 

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tafaasiil ka bixiyey khayraadka dihin ee
Somaliland oo ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta,noocyada macdanta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here