Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa Dhaliilihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Madaxweynaha Somaliland

0
345

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa Dhaliilihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Madaxweynaha Somaliland Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Yidhi “Maanta anigu Rejo kama Qabo in uu Ergo qaadan doono, waayo laba Sanno ayaan Muuse Biixi Baryey Madaxa ayaa ka dhunkaday Xata aniga oon Aabahay ka dhunkan’ Dulqaadkii wuu Iga dhamaaday Nin Qayrkay ahna Dib u Baryi Maayo Maanta wixii ka dambeeya uma duulqaadan doono’ Arintuna way soo dhaaftay Xisbiga Waddani iyo Kulmiya ayaa is haysta maaha ee arintu waa Muuse Biixi iyo qarankii Somaliland ayaa ishaysta mana aha wax suurto gal ah maaha in uu Muuse Ninka doorashiina uu ka helay ee Cidlada iska jooga ee Cirro yidhaahdo waan LA ficil tamayaa maanta waxa isku Xidhan Guddida cusub ee Doorashooyinka iyo Kursiga Madaxweyne Muuse Biixi uu Ku fadhiyo ee waa in uu labada kala door to Muuse ”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Ayaa Hadalkan Ka Jeediyey Madal Xisbigiisu U Qabtey Maamuska Koomishankii hore ee Doorashoyinka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here