Dhul go’a Kenya: Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay roob Mahiigaan Ah Oo Da’ay

0
338

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhashay cimilo aad u xun oo saameysay deegaanka West Pokot ee galbeedka Kenya.

Dhul go’a oo uu saameeyay tuulooyinka Nyarkulian iyo Parua, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

Saraakiisha ayaa sheegay in daadadku ay jareen waddooyinka gala tuulooyinkaas, ugu yaraanna hal buundo ayaa lagu soo warramayaa inay burburtay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu “tacsi tiiraanyo leh” u dirayo ehalada iyo saaxiibbada dhibanayaasha.

 

Mr Kenyatta ayaa sheegay in “burbur weyn” oo dhinaca hantida iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah uu ku yimid deegaankaas, waxa uuna ciidammada qalabka sida iyo howlwadeennada samatabixinta ku amray inay goobta tagaan oo ay dadka caawiyaan.

Todoba carruur ah ayaa ka mid ah maydadka dadka ilaa iyo haatan la soo helay, saraakiisha ayaa sidaasi sheegay.

Map of Kenya showing West Pokot county and Nairobi

Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa waxa uu xaqiijiyay in ay “soconayaan” howlgallada samatabixinta, waxa uu intaasi ku daray in dedaallada lagu doonayo in lagu qiimeeyo khasaaraha ay hakinayaan “cimilo aad u xun”.

Sawiro lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa waxa ay muujinayaan geedo, dhoobo iyo burbur kale oo waddooyinka jaray.

Laanqeyrta Cas ayaa waxa ay xaqiijisay inay ka jawaabayso warar sheegaya dhul go’ “ballaaran”.

Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa 18-kii Nofeembar waxa ay soo saartay digniin ku saabsan roob xoog badan oo la filayo inuu da’o, iyadoo dadka u sheegtay in “deegaannada dhul go’a u nugul” ay galaan “feejignaan sare”.

Dalalka dhaca Bariga Afrika ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa saameeyay roob mahiigaan ah.

Dhul go’ iyo daadad xooggan ayaa waxa ay dad ku dileen dalalka Itoobiya iyo Tanzani halka boqollaal kun oo qof ay ku barakaceen roob xooggan oo ka da’ay Soomaaliya.

Saynisyahannada ayaa ka digay in cimilada loo yaqaan Indian Ocean Dipole ayaa daadadka ku dhufta deegaanka ka dhigayso mid aad u xun.

Cimiladan dhanka kale loo yaqaan “El Niño”, ayaa waxa ay dhacdaa markii qeybta galbeedka Badweynta Hindiya ay aad uga kululaato dhinaca bari ee baddaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here