Maxaa Loo Baajiyey Muxaadaradii Shekh Ummal?

0
404

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay muxaaradada Sheekh umal in loo baajiyey codsi Sheekha dhankiisa ka yimid.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta warmurtiyeedkeeda ay maanta oo Sabti ah oo ku beegan 23-ka November 2019, waxay ku billaawday iney iyadu arrimaha diinta iyo awqaafta au masuul uga tahay dalka Soomaaliya sida uu qabo dastuurka JFS, qodobka 3aad faqradiisa 1aad.

Waxay sida oo kale warmurtiyeedka wasaarradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay kaga hadashay arrima dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

  • Iney dhexdexaad u tahay dhammaan aragtiyada culimada soomaaliyeed ee kala duwan.
  • Mahadnaq ay u soo jeedisay Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo culimada la socotay gacanta ay ka geysteen gargaarka shacabka ku waxyeelloobay fatahaadaha ka dhacay qayba ka mid Soomaaliya.
  • Mahadnaq ay sheekha uga soo jeediyeen khubadda uu ka jeediyey masaajidka Isbahaysiga.
  • Aqbalaadda Sheekhu uu aqbalay codsiga shacabka ee ah inuu Muxaadaro u soo jeediyo.

Waxayna wasaaraddu nasiib darro ku tilmaantay: “in tashwiish lagu furay qabshada muxaadarada Sheekha uu cinwaankeedu ahaa ‘Asbaabaha keena musiibooyinka iyo Sida looga hortago’.”

Waxayna wasaaraddu sheegtay Sheekha isaga oo tixgelinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo wasaaradda Awqqafta iyo Diintana ay ku waafqday soo jeedintiisa.

Waxayna wasaradda warmurtiyeedkeeda ku sheegtay Sheekhu inta uu jooga dalka Soomaaliya inuu qaban doono barnaamijyo wacyigelineed, barnaamijyadaasi oo ka bixi doona warbaahinta dalka.

Ugu dambeyn, wasaaradda waxay warmurtiyeedkeda ku soo afmeertay iney Skeh Maxamed Cabdi Umal ay ku martiqaadi doonto barnaamijyo wacyigelineed xilliga ku habboon.

Marwalbana ay soo dhaweyneyso dhammaan culimada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed oo xilligan baahida weyn loo qabo.

Dib u dhigidda Muxaadarada Sheekh Umal ee Muqdisho

Waxaa si lama filaan ah dib loogu dhigay muxaadaro uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qaban rabay magaalada Muqdisho, sababtuna kuma saabsana muranki Khamiistii hareeyay arrimha la xiriira muxaadaradaas.

Sababta rasmiga ah ee dib loogu dhigay muxaadaradaas oo uu cinwaankeedu ahaa (Waxyaabaha keena musiibooyinka, sida looga hortagi karo iyo sida xal loogu heli karo mark ay dhacaan) ayaa lagu sheegay inay tahay aaska maalinta jimcaha oo ku beegnaa 22-ka, November, 2019 magaalada Muqdisho loogu sameynaey Almaas Elman, oo Arbacadii geeriyootay.

Sheekha ayaana la sheegay inuu ku mashquulay Janaasada meydka haweeneydaas, kaasoo lagu sameeyay masaajidka Isbahaysiga Islaamka, salaaddii Jimcaha kadib.

Maalinta Axadd ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka bishan November ayaana lagu waday inay qabsoonto muxaadarada, sida uu BBC-da u sheegay Sheekh Umal qudhiisa.

Dib u dhaca ayaa kusoo aaday xilli Khamiistii shalay si weyn baraha bulshada la iskula dhex marayay muuqaal uu soo duubay Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow, kaasoo uu ku mucaaraday muxaadaradaas.

Maxay ahayd doodda dhalatay?

Sheekh Soomoow ayaa shacabka Soomaalida ka dalbaday inaysan ka qeyb galin muxaadarada Sheekh Umal, isagoo ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay waxa uu ugu yeeray ‘musiibada ugu weyn ee ka jirta dalka’.

“Sababta aan ku diiddanahay muxaadaradaas waa in ugu horreyn qofka dhigaya uu yahay ninka la yiraahdo Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Fikirkaan ay khawaarijtu dadka Soomaaliyeed ku baabi’iyeen ayuu wax badan taageersanaa, ilaa haddana ma ogin meel uu uga tanaasulay, gaar ahaanna culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, ee Suufiyada loo yaqaanno wuxuu u yaqaannaa gaalo, marka waxaa layaab leh oo ayaan darro ah in isagoo gaalo noo yaqaanna, dad badan oo ahlu dariiq ahna ay khawaarijtu ku leysay iftadiisa iyo fikirkiisa uu maanta dhaho waxaan u khudbeynayaa agoonti”, ayuu yiri Sheekh Soomoow.

Hase ahaatee, Sheekh Umal, ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha uu soo jeediyay Sheekh Soomoow.

Shekh Umal muxuu kaga jawaabay eedeymaha loo soo jeediyey?

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo BBC u warramay oo ka hadlayay arrintaas wuxuu yiri: “Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay. Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay, adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u hadleen”.

Wuxuu sidoo kale Sheekh Umal iska fogeeyay eeeymaha la xiriira in hadalkiisa lagu laayay dad suufiyo ah iyo inuu ‘gaaleeyay’ Ahlu Sunna.

“Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo”.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn ugu kala qeybsamay dooddaas, iyagoo qaarkood ay muxaadarada taageereen halka kuwo kalena ay ayideen mowqifka looga soo horjeestay.

Culimada Magaalada Muqdisho oo ka hadlay muxaadarada Sheekh Umal

Culimada Muqdisho oo ay ka mid yiihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow uusan ahayn mid ay la qabaan culimada Soomaaliyeed.

“Hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow ma ahan mid uu ku matalayo culimada ee waa kalmad ra’yigiisa ah, haddii Sheekha uu wax tabanayo ama su’aal uu qabo waxay ahayd in uu culimada Soomaaliyeed la soo xiriira, Sheekha in uu ku degdego arrin noocaas ah ma ahayn”, ayuu yiri Sheekh Bashiir oo ah Guddoomiyaha Hey’adda culimada Soomaaliyeed.

Wuxuu intaa ku daray in Sheekh Umal uusan u imaanin dalxiis iyo qaraabo salaan, balse uu u yimid sidii loo gargaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha, wuxuuna ku baaqay in laga soo qeybgalo muxaadarada Sheekh Umal oo laga faaideysto.

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in eedeemaha loo heysto Sheekh Umal aysan waxba ka jirin oo aanan loo heynin wax cadeyn ah.

“Hadalada Sheekh Soomoow uu ka sheegay Sheekh Umal waxay dhaawacayaan wixii Sheekh Umal uu ka mudnaa Soomow iyo ummadda Soomaaliyeed iyo gargaarkii uu Sheekh Umal u fidiyay dadka Soomaaliyeed, Sheekhaa waxaa uu keenay 330 kun oo doolar oo uu soo uruuriyay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, Sheekh Soomow na waxaa uu meel uga dhacay dhaqanka Soomaalida”, ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Wuxuu intaa raaciyay in Dowladda Soomaaliya ay raali ka tahay muxaadarada, dadkuna ay ka soo qeybgalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here