“”Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Difaacay Muddo­kordhinta markii lixaad loo sameeyay Golihiisa”

0
329

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa difaacay Muddo­kordhinta markii lixaad loo sameeyay Golihiisa, waxaanu sheegay in Muddo­kordhinta Guurtidu u samaysay Golaha Wakiilladu ay tahay Sharci. Guddoomiyaha oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in muddo kordhintu tahay laba sanadood, laakiin ay muddadaasi ku yar tahay, sidaasi darteedna ay xilka haynayaan illaa la doorto Golihii beddeli lahaa. Mudane Baashe­cadde oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annagu inta Gole cusub imanayo Xilka waanu haynaynaa, Shacabkana waxaanu waydiisanaynaa inay noogu duceeyaan in Ilaahay xilka noo fududeeyo.” Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay yar tahay muddada loo kordhiyey Golaha Wakiillda, maaddaama buu yidhi Komiishanka cusub lagu murmi doono 5 sanadood, si la mid ah sidii loogu Murmay muddada 2­da sannadood ah komiishankii Wakhtigu ka dhamaaday “Laba sano way yar tahay, durba imika waxa inaga tagay laba Sanadood intii lagu murmayey komiishanka, komiishankana 5 sano oo kale ayaa lagu murmi doonaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Xisbiyada Mucaaradka u soo jeediyey inay sharciga dhowraan oo aanay Sharci­darro ku sheegin muddo­kordhinta Golaha Wakiillada loo sameeyay, maaddaama buu yidhi Sharciga ay Xisbiyo ku yihiin loo maray Muddo­kordhinta Wakiillada “Xisbiyada waxa laga rabaa inay shuruucda dhowraan, Xisbiyadu waxay Xisbiyo ku yihiin waa Sharciga, hadday yidhaahdaan waa Sharci­darro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here