Maxaa Keenay In Muuse Biixi Iyo Wasiir Sacad Isku Raacaan Miisaaniyada Loo Qoondeeyey Xidigaha Geeska?

0
651

Muuse Biixi iyo wasiirkiiisa maaliyada Sacad Cali Shire oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan hogaamiyaha kooxda Xidigaha Geeska Xasan Laabsaalax ayaa isku raacay in lacag gaadhaysa $276,857 loogu daro miisaniyada dawlada koox faneedka xidigaha geeska.

Natiijada sawirka muuse biixi iyo sacad

 

Muuse Biixi oo lagu tilmaami inuu ku ad adag yahay bixinta dhaqaalaha dalka isla markaana la sheego in mudo laba sanadood ah oo uu joogay ay meesha ka baxeen kharashaad badan oo dawladu bixin jirtay ayaan la garanayn ujeedada uu ka leeyahay inuu miisaaniyada dawlada ku daro lacag uu ku naas nuujinayo kooxda Xidigaha geeska, balse dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa tilmaamaya inay talaabadani salka ku hayso qabyaalad uu ku garab galyo hogaamiyaha kooxdaasi Xasan Saleebaan Dhuxul.

Dhinaca kale qaar ka mid ah kooxaha kale ee dhinaca fanka ee ka jira somaliland ayaa durba saluug ka muujinaya talaabada uu qaaday Muuse Biixi, iyaga oo ku andacoonaya inuu qabyaalad ahaan ku garab galayo kooxda uu hogaamiyahooda isku deegaanka yihiin.

Abwaan Daaha Gaas oo ah gudoomiyaha kooxda Dayax Band oo maant la hadlay warbaahinta ayaa cadeeyey in Muuse Biixi hab qabyaaladaysan uu kooxda xidigaha geeska ku siinayo lacag uu ugu daray miisaaniyada dawlada ee sanadka 2020.

 

Abwaan Daaha Gaas ayaa sheegay in kooxda xidigaha geesku ay tahay koox faneed xeer ilaalinta looga sharciyeeyey Xasan Laabsaalax isla markaana ay ceeb tahay in fanaaniintii qaranka oo jooga hadana miisaaniyada dawlada qabiil ahaan loogu daro kooxda Xidigaha Geeska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here