Shacabka Muslimiinta Norway oo ka carooday kitaabkii lagu gubay magaalada Kristiansand,

0
327

Caro xooggan ayay ku abuurtay dhacdadii isbuucii hore ay ku dhaqaaqeen ururka cunsuriga ah ee loogu yeero “Stop Islamisation of Norway” ee loo soo gaabiyo SIAN islamarkaana kasoo horjeeda in Islaamku ku faafo dalka Norway.

Ururkan ayaa barxadda Øvre Torv ee magaalo-xeebeedka Kristiansand ee dalka Norway ku gubay kitaabka qur`aanka kadib dibedbax ay dhigeen, waxaana ay mar kale ku gooddiyeen in ay gubayaan kutaabka.

Xubno ka tirsan xisbiga Venstre oo uu ku jiro nin Pakistani ah oo muslim sheegta ayaa cambaareeyay fal-dambiyeedkaasi, balse siyaasi Raja ayaa sheegay in gubidda kitaabka ay hoos imaaneyso “xorriyatul-qowlka”.

” – Inkastoo uu qofku xor u yahay in uu gubo buug (kutaabka) ama calan, taasi micneheedu ma ahan in uu sameeyo. Waxa ay muslimiintu uga xumaanayaan in qur`aanka la gubo sida ay ayeeyooyinka norwijiga ah ay uga caroon lahaayeen in bible-ka (kitaabka gaalada) la gubo”, ayuu yiri siyaasi Raja oo ka tirsan xisbiga Venstre.

Xubin sare oo ka tirsan urukan cunsuriga ah ayaa ku hanjabay in ay mar kale gubi doonaan kutaanka.

Ninkan hanjabay ee ka tirsan ururka SIAN oo lagu magacaabo Arne Tumyr ayaa jaraa`idka Agderposten u sheegay in uu mar kale gubi dooni kitaabka qur`ka, ayna tahay sidii ay u bilaabeen gubiddiisa.

Mr. Arne ayaa sheegay in uusan ku faraxsaneyn gubidda kitaabka, balse uusan u jeedin cid wax ka qabata islaamka iyo muslimiinta kusoo badanaya dalka Norway.

Sababta ay kal hore u gubeen kutaabka ayuu ku sheegay in ay aheyd farriin ay dadka uga kicinayeen hurdada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhacdadii hoo hore ee kitaabka lagu gubay ayay boolisku usoo xireen shab dibedbaxayaal ah iyo waliba xubin ka tirsan ururka SIAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here