War Deg Deg Ah: Abwaan Daaha Gaas Oo Afka Furtay”” Qabyaalad iyo Habreeraysan Ku Tilmaamay in’Miisaaniyada 2020 Loogu Daray Lacag Dhan $276,857 Kooxda Xidigaha Geeska”

0
528

Abwaan Daaha-gaas Oo Maanta Warbaahinta Qaarkood Hargaysa Kula Hadlay Ayaa Sharci Daro Iyo Mid Qabiil Lagu Siiyay Ku Tilmaamay Kooxda Xidigaha Geeska Oo Xukuumada Somaliland Sheegtay Inay Miisaaniyada 2020 Ugu Dartay Lacag Dhan $276,857.
Abwaanka Ayaa Sheegay Inay Kooxdiisa Oo Lagu Magacaabo Dayax Band Ay Xaq U Layd Hab Qabyaaladaysana Loo Dulmariyay Miisaaniyada.
Abwaanka Daaha-gaas Waxa Si Toosa U Abaaray Abwaan Laabsaalax Gudoomiyihii Hore Ee Xidigaha Geeska Oo Uu Sheegay Inay Madaxwaynaha Isku Hayb Yihiin Sidaa Darteedna Loogu Daray Miisaaniyada.
Waxaanu Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata Sheegay Ina Heeso Badan Iyo Riwaayado Uu Isagu Lahaana Xukuumada Lacag Ku Siisay Abwaan Laabsaalax.
Ugu Danbayntii Waxa Xusid Mudan Inaan Labada Kooxood Ee Xidigaha Geeska Iyo Dayax Band Aanay Isku Da’ Ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here