“Xaasaasi”Maxaa Ka jira in DFS u Diiday Macalimiin Masaari ah inay Dalka Soo Galaan?

0
375

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ay u diiday inay dalka soo galaana ama kana Shaqeystaan,hayeeshee waxaa Warkaasi beeniyey Hay’adda Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu beeniyey Warkaas, iyada oo la sheegay in Sawiro iyo qoraalo been abuur ah Baraha Bulshada lagu faafiyey.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan,Hay’addu waxay caddeyneysaa in Xogta iyo sawirada la baahiyeyba ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan Sal iyo raad toona laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here