Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Difaaca Uganda Oo Beesha Caalamka Uga Digay Arin Halis Ah Oo Ku Saabsan Soomaaliya.

0
510

Muqdisho (QoryaaleNews) Sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Uganda ayaa ka digay in wakhti loo qabto ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in laga fiirsado ciidamada la dhimayo.

Mbasu Mbadi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Difaaca Uganda ayaa sheegay in Uganda ay waxqabad muuqda ka sameeyeen Soomaalia mar uu magaalada Muqdisho kula kulmay taliyayaasha ciidamada dalkiisa eek u jira hawlgalka AMISOM.

Taliye ku xigeenka wuxuu soo bandhigay sida ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa wadankiisa Uganda ay hormuud ugu yahiin hormarka ay dowladda Soomaaliya sameysay maadaama ay hadda maamusho magaalooyin waaweyn oo aysan markii hore gacanta ku heynin.

“Dhiigeena iyo dhididkeena ayaa ku daatay nabadda Soomaaliya, hadda ganacsigu waa mid furan, Dowladdana wey shaqeyneysaa, si aan la mid aheyn 2007, waxeyna wakhtigaas ku shaqeyneysay Kenya” ayuu yiri Mbasu Mbadi.

Hadalkaas kasoo yeeray wuxuua ahaa mid uu digniin uga dhigayo beesha caalamka kuwaas oo ku fakaraya iney wakhti u qabtaan bixitaanka ciidamada Uganda ee gudaha Soomaaliya ama in la dhimo, wuxuuna soo jeediyay in mar walba arinta lagu saleeyo sida ay xaaladda Soomaaliya tahay.

 

QoryaaleNews.Net

Office Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here