Saddex Oo Ku dhaawacantay weerrar Toorey Loo Adeegsaday Oo Hague Ka Dhacay

0
413

Saddex qof ayaa toorey lala dhacay kaddib markii weerrar lagu qaaday goob mashquul badan oo laga dukaamaysto oo ku taal magaalada The Hague, saraakiisha ayaa sidaasi sheegay.

Booliska ayaa sheegay in weli ay baarayaan qof laga shakisan yahay cid loo soo xiray weerrarkana ma ay jirto, kaddib weerrarka dhacay abaare 19:45 waqtiga maxalliga ah ee Holland.

Sawirro iyo muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya tobannaan qof oo dukaamaysanayay maalinta loo yaqaan Black Friday oo ka baxsanaya goobta.

Saddex qof oo dhalinyara ah ayaa isbitaalka lagu dabiibay, hasayeeshee markii dambe waxaa dadkaasi u suuragashay inay guryahooda tagaan, booliska ayaa sidaasi sheegay

Weerrarka ayaa waxa uu ka dhacay dukaanka Hudson’s Bay ee ku yaal xaafadda Grote Marktstraat ama suuqa weyn ee ku yaal aaggaasi.

Booliska ayaa waxa ay dadweynaha ka codsadeen inay la soo xiriiraan haddii ay joogeen goobta uu weerrarka ka dhacay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay codsadeen in qofkasta ee haya sawirro ama muuqaal laga qaaday weerrarka tooreyda ay booliska u soo diraan.

Police in the Grote Marktstraat in The Hagu

Sharaxaaddii ugu horraysay ee laga bixiyay qofka laga shakisan yahay ayey boolisku ku sheegeen in ay baadigoobayaan nin da’diisu ay u dhaxayso 45 ilaa 50 oo xiran iskujoog midabka dambaska ah leh.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, faafaahin dheeraad ah oo goor dambe la bixiyay, ayuu boolisku ku sheegay in sharaxaadaas ay khalad aheyd, hasayeeshee faafaahin kale oo dheeraad ah ma aanay bixin boolisku.

Map of the Netherlands with The Hague and Amsterdam marked

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here